Denmark oo mahadcelin ka sugaysa somaliland‏

0
133

Ku:- socota Xukumada somaliland

Ku:- socota Golayasha barlamanka iyo guurtida

Ku:- ku socota shacabka iyo saxafada somaliland

 

Xukamadena oo ilowday inay u mahad celiso Denmark

(Tak Denmark) oo macnahedu tahay   mahadsanid Denmark

Shirweynihii midowga Yurub ee heshiiska cusub ee Soomaalida(NEW DEAL OF SOMALIA) loogu qabtay Brussels 16 Sebtember, ayaa loogu qoondeeyay Somaliland qorshe howleed gaar ah oo ka duwan ka Soomaaliya, kaasi oo ay ku helayso qaybta ay xaqa ugu yeelatay deeqda horumarineed ee shirkaasi lagaga yaboohay. Lacagtaas ay dalalka midowga yurub iyo dalalke oo aduunka ka mid ah ay balan qadeen ayaa dhan 1,8 billion lacagta Euro ah

 

Sida lagu baahiyay warsaxaafadeedkii ka soo baxay shirka Habka gaarka ah ee Somaliland looga qorsheeyay heshiiska cusub ayaa waxa uu ayidayaa mabdi’iyan afar qodob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah:

Heshiiska cusub waxa uu aqoonsan yahay guulaha horumarineed ee Somaliland gaadhay, xaaladaheeda gaarka ah iyo awoodaheeda, waxaana lagu dabaqayaa hayadaha qorshaha horumarineed ee qaran ee ay iska leedahay Somaliland, kaasi oo diiradda saaraya koritaanka dhaqaale. Balse aan ahayn degganaanshaha sida looga baahan yahay Soomaaliya.

Somaliland waxa horeba uga hirgalay mabaadi’da heshiiska cusub oo dabaqaya hawlaha sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF), iyada oo ay doorbidayso dawladda Somaliland hab maaliyadeed ku xidhiidhsan kaalmada horumarinta caalamiga ah.

 

SDF waxa sameeyay dawladaha Ingiriiska iyo Denmark 2012, waxaanu ku salaysan yahay mabaadi’da heshiiska cusub.

Hadaba aniga oo ah cabdirizaq axmed ibarhim  ahna gudomiyaha  ictirafradinta ee iskandanavianka

radinta  waxa aan aad uga xumahay in aanay xukumadeenu u soo hanbalyeen DAWLADA DENMARK  oo kaalin weyn ka ciyaartay sidii Somaliland iyado ka so qayb galin shirka new deal hadana qaybyeeda si gaar ah lo siin doono in aanay xitaa xukumadeena, xisbiyada mucaridka, iyo bahweynta saxafadu aanay xukumada Denmark u soo dirin hanbalyadii lag filayey  aniga oo jecel in aan ku hadlo magaca dawladena aan warqad mahad celin ah u diro wasarada arimaha dibada ee Denmark iyo gabadhi ino doody eeka hadashay hormarka ay Somaliland ku talabsatay oo u shaqeysa wasarada arimaha dibada ee Denmark.

Waxan ku bararujin laha xukumadeena in cadow badan leedahay jamuuriyada Somaliland una bahan tahay in indho dheer lagu eego dalalkan scandanavianka ahna aydu culayska soo saartan  gaar ahan(kola ad xafiis ka furatan sida iyaguba uga furteen) Denmark oo hormood u ah arimaha horimarinta ee la siiyo Somaliland iyo somaliya.

 

Ilahay ba mahad iska leh

Abdirizaq afqaraf

gudomiyaha ictirafradinta ee iskandanavianka

abdi1988@hotmail.com

Copenhagen,Denmark