Soo noqoshada genel iyo mustaqbalka mashaariicda sahanka shidaalka iyo macdanaha kale

0
69

Bixitaanka GENEL waxa lagu sababeeyay dad waraaqo u qoray iyo handadaado ay kala kulmeen shakhsiyaad iyo kooxo dad ah oo hubaysan. Laakiin su’aasha meesha ku jirta ee muhiimka ihi waxay tahay maxaa ku kelifay dadka ka soo jeeda degaamada hawsha sahanka shidaalku ay ka socotay, ama laga bilaabi lahaa ee laga hor joogsaday?. Jawaabtu ma kibir iyo qooq cali guraybaa..ma hunguri iyo dar ay seefi qaaday baa..ma shirqool iyo mijo xaabin baa…ma mucaaridnimo iyo kacaan diid baa..mise xaalku waaba si kale iyo awr xamuulkiisa wuu qaadaa xadhig qaloocan se ma qaado. Jawaabtu siday doonayso ba ha noqoto eh hadii la doonayo in ujeedadii mashruuca sahanka shidaalka ee GENEL si fiican loo xaqiijio waxa lagama maarmaan ah in uu madaxwaynuhu ogaado jawaabta saxa aha ee su’aashan. Madaxwaynuhu wuxu hore u sheegay in ay sixi doono qaladaadkii hore ee dhacay ka hor inta aan dib loo bilaabin hawlaha mashruucan taas oo aynu odhan karno waa hadal yididiilo leh balse waxa muhiim ah maxaa qaldamay( what went wrong?) iyo yaa ka masuul ah?, albaabka laga geli karo xalka dhibaatada ama fadeexadda GENEL-gate.


Waxa warwar badan laga qabi karaa marka ugu horaysa ba inuu madaxwaynuhu si run ah u ogaan karo dhibaatooyinka is biirsaday ee ugu dambaystii keenay in GENEL ay faraha ka qaado hawlahii sahanka shidaalka kana baxdo dalka iyo weliba cidda masuuliyadeed leh dhinaca Somaliland. Sidoo kale waxa iyada na aan lagu kalsoonayn in hadii ba masuuliyadda wixii dhacay ay yeeshaan inu madaxwaynuhu ka qaadi karo talaabada ku haboon iyo in kale.

Si kasta ba xaalku ha ahaado eh rejeda laga qabi karo in mashruuca ama mashaariicda sahanka shidaalka iyo macdanaha kale ba ay dalka ka sii socon karaan waxa muhiim ah in madaxwaynuhu uu gu’aamo ad adag ka qaato dhibaatada musuq maasuqa eexda iyo qaraabo kiilka ay caadaysteen xubnaha ugu mudan xukuumadiisu iyo qaar kaloo badani ba, hadii kale wax ka hirgeli kara mashaariicdani ma jirto xaalka Somaliland na wuxu noqon doonaa nacaskii yidhi” maxaa la igaga farfarxayaa saw beri ba lumimaayo”

Cali Guray