Dhalinyarada Needle Pathology Lab ayaa Soo bandhigtay Qalab cusub oo lagu Shaybaadhi Doono Cancerka

0
324

CIMG1768Hargaysa(Waaheen)-Munasibad baladhan oo  lagu Daah furaayay Qalab Casriya Oo Ah Qalab Baadhitaanka gaar Ahaan Qalabka Lagu baadho Cudurka Cancer-ka Ayaa Maanta lagu Soo bandhigay Hotel imperial Ee magaalada Hargaisa.

Qalabkan Oo Ay Soo bandhigeen Dhalinyarada (Needle Patholgy lab) Ayaa Waxaa ka Soo Qayb galay, Wasirka Wasaarada Qorshaynta, Sacad Cali Shire iyo Dr:Aadna Aadan Dhakhtar iyo Sidoo Kale Sh. Aadan maxamuud Xiirey Aadan Siiro iyo Dhalinyaro Aad u tiro badan.

CIMG1769CIMG1770Madashaasi Ayaa Waxaa Ugu Horeyn ka hadlay Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Mud. Scad cali Shire isaga oo hadalo kooban ka idhi Munasibadaasi, aadna ugu hanbalyeeyay Dhalinyaradi Aad ka U Fiicneyd Ee Garatay inay Dalkooda kenaan qalabkan Oo baahi Aada loo qabay Ayaa Isaga Oo Hadalkiisisa Si Wata Waxaa Uu yidhi “ waxan aad u salamay dhalinta aaadka u wanaagsan ee manta wax lagu farxo keentay dalka,waxaa ubaxan aad arkaysaana amaanteeda iska leh Dr: Aadna Aadan Dhakhtar oo taba bartay ilahay ha ka jasaa’iil Siiyo Ayaan leeyahay, Intaas Kadib Waxaan leeyahay dhakhtarka markuu u imaado qof xanuusanaya waxaa uu sameeyaa waraysi, Si uu u eego jidhkiisa Inuu sameynayo Xumad Iyo in kale, marka Xigta Waxaa Uu Eegaa Heerka Wadnaha iyo Halka uu maraayo intaas marka Uu isku geeyo Ayaa, Ayaa uu Dawo uun Iska Siiyaa, Waxaa jirta Sidaad ogsoontahiin Cuduro fara badan oo intaasba Wadaaga. Markaas Waxaa fiicnayd Waad ogtahiin Cuduro badan in laysku Khaldi jiray Dadkeena badanaa iyaga oo taas Ka Duulaya Ayaa Waxaa Ay Doonan jireen Dawo iyo Shaybaadh dal Shisheeye Waayo ta Dalkooda kumay kalsonayan manay yaalin Qalabkan manta oo kale, markaas Waa Wax lagu farxo in manta uu dalkeena yaalo Waanan ugu mahad naqayanaa ardeydaas keentay qalabka aad arkeysaan .”

Waxaa intaasi ka Dib madashaasi ka Shahaadooyin  lagu Gudonsiyayuseen jaamac  Gudoomiyaha dhalinyaradani Mud.  Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka sacad Cali Shire , iyada Oo madashaasi Sidoo kale uu ka hadlay pro: siciid oo ah xubin ka mida Somaliland fund Business   isaga Oo Halkaasi isna Ka jeediyay hadalo amaan iyo iskugu jira Waano Waxaana uu la dar daarmay Ardeydii ka soo qayb gashay munasibadani iyo ardeydii qabatay wax qabadka aadka loo tabaayay waxaana uu yidhi “manta Waxaa noo farxada inaanu ka Soo Qayb galno xaflad aad qiimo Weyn U leh Shacbi iyo Dawladba,waxaan halkan Uga Hanbalyaynayaa Dhalinyaradii badnaeyd e markas nala shaqeynaysay , waxaanan leeyahay insha Allah meeshan meel ka Wanaagsana Ayaad gaadhi Doontaan insha Allah, Waxaan manta Aad ugu faraxsanahay aniga iyo Waliba waftiga ila Socda inaanu go’aanada Aanu ku darsanay Ay ahayd go’aano saxa oo manta midhahoodi Aanu Arkeyno taas ayaan aad ugu farxasanahay,waxaan leeyahy waanu dhiiri galinaynaa dhalinta halkan joogta waxaan leeyahay waxan waxaa u baahan shacabka Iyo ummada Somaliland Ilaahay ayaa idin garad siiyay insha Allah Dadalkiina halkaas ka Sii wada Anan waanu isin Soo Dhaweynaynaa , waxaa kale Oo Aan Aad ugu faraxsanahay anoga Iyo  dhakhatirta kaleba Inaanu Aragnay waxa Ay Dhalinyaradaasi qabatay oo Aan Qiimo weyn Ku kacayn Dawladeenina fulin Weyday garan mayo Waxa ku Dhacee Inay iyagu fuliyeen Waa wax loogu mahad naqo”

Isla goobtaasi Ayaa isna lagu gudoonsiiyay Shahaado Sharaf Ay Sameyeen dhalinta Soo bandhigaysay qalabkani

Waxaa munasibadan Sidoo kale isna Hadal keeda ka Dhiibatay Dr: Aadan Aadan Dhakhtar Oo Hayd hooyadii Dhalanka halkaasi wax Ku Soo bandhigayay gacanta ka geysatay Inay herkaas Soo gaadhaan Waxaana Ay ka shekeysay tariikhdii iyo habkii AY isla soo Mareen Dhalinyarada manta Halkan ku So bandhigaysay Qalabka Caafimaad, iyada oo aamaan iyo ducana u soo jeedisay ardeydaasi  kalana dar daarantay inay ilaaliyaan oo caafimadka bulshada noqdana jiilka lagu xisaabtamo bari iyo maantaba.

Gaba Gabadii xafladaasi ayaa waxaa munasibadaasi soo Af meeray Sh. Aadan Siiro isaga oo dhankiisa Amaan Iyo Waliba Duco Iskugu Daray Dhalinyarada Halkaasi Ku Soo bandhigaysay Qalabkan.

CIMG1771Qalabkan Ayaa noqonaya kii ugu Horeeyay Ee noocana ee la Soo bandhigo, iyada Oo baahi Weyn bulshada Somaliland Ay u Qabtay. Qalabkan Ayaa la rajeynayaa inuu Daboolo baahiyahi Weynaa Ee Ahaa In Dadka caafimaadka rabaa Ay u tagi Jireen Dibada balse Maanta Ay taasi ka maarmi Doonaan Oo Ay dalkooda hooyo iyaga oo Jooga ka heli Doonaan.

 

Yacquub Siciid Kuuriya

Waaheen Desk office

Hargaysa Somaliland