Ardayda Jaamacada Hargeysa oo Mudaharaad Rabshado wata dhigaya iyo Booliska oo Rasaas Huwiyey.

0
104

Photo1031Hargeysa(Waaheen) Ardayda jaamacada Hargeysa ayaa Maanta kar kale Mudaharaad Rabashado Wata ka Sameyey Afaafka hore ee Xarunta Jaamacada Hargeysa.

Ardaydan ayaa ka gadoodsana Lacagta Fiiga ee Bishii laga qaaddo oo Maamulka Sarre Jaamacadu kordhiyey, Mudaharaadkan ayaa ka dhashay kadib markii Guddi ay ardaydu u xulatay arrinta iyo maamulka jaamacadu waxa heshiis ah ka gaadhi waayeen Arrinta Khilaafku ka dhashay.

Ardaydan ayaa Waxa ay ku dhawaaqayne Halku ndhigayo ay ku sheegayn in aanay Awoodi Xadiga lacagta ee lagu kordhiyey noo ay sheegen in ay badan tahay.

Waxayna sheegen in mudaharaadka ay wadayaan ilaa inta maamulka jaamacadu ka noqonayaan go’aankaas waxyar kadib markuu mudaharaadku socday waxa meesha soo gaadhay ciidanka booliska somaliland iyagoo tacshiirad rasaas ah ku kala kaxeeyay.

Dhanka Goobtaasi waxa gaadhay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland.