Maalinta Nabada Aduunka Oo Hargeysa Laga Xusay

0
146

01Hargeysa(Waaheen):-Munaasiban si heer sare ah loo soo agaasimay oo uu soo qaban qaabiyey Machadka Barasha Nabada ee Jaamacada Hargeysa ayaa lagu qabtay Hotel Imperial ee Magaalada Hargeya , oo ay ka soo qayn galeen Masuuliyiin ka socotay Xukuumada, Hay’adaha Dalka, Bulshada Rayidka ah iyo Masuuliyii kale taasi oo lagu xusayey Maalint Nabda Aduunka oo Sanad walba 21 bisha 10aad laga xuso dhamaan Caalamka.

Agaasimaha Machadka Barashada Nabada Aden XaJin Cali Axmed oo ugu horayn halkaasi Khudbad dheer ka jeediyey ayaa dhinacyo badan ka tilmaamay nabada ka soo jeediyey ayaa ku dheeraaday qiimaha ay nabadu ledahay waxaanu yidhi “Ujeedada aynu Munaasibadan u qaybanay waxa weeyaan nabada oo aduunyada oo dhan laga xusayo maanta taasoo hadii nabada la waayo ayna wax kale jirayn taasna waayo aragnimo dheerbaynu u leenahay hadii aynu reer Somaliland nahay waxaynu soo marnay Dagaalo oo waynu garan karnaa naban la’aanta, wax barashaanad helayn cilmbaanad helayn oo horumar baanad helayn wax waliba way baaba’ayaan, markaa waa inaynu ku baraarug sanaano Nabada”.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Waxa laga yaabaa inay jiilasha cusub ee soo kacayaa ay iloobaan shalay wixii dhacay taasina ay sahasho inay nabadu si fudud faraha uga baxdo nabadu maaha wax hal mar la gaadho oo la yidhaahdo waynu gaadhnee aynu seexano ee waa shaqo joogto ah oo caqabado iyo cadaw leh, markaa waxaanu ku baraarujinayn Bulshadeena Cadaw Khatar ku ah nabadeena, haday tahay cadawyadaa maanta jira ee naba la dagaalamay, Bulcad badeeda oo aynu u samay sanay Ciidanka laakiin wax jira wax kale oo ama Bulshada dhex deeda ah ama qaabkaynu u nool nahay ah ama qaabka ay dawladeenu u socoto ah ama qaranka guud ahaan ah oo khatar ku ah”. Ayuu yidhi Aaden X.Cali Axmed

02

Aaden X.Cali Axmed  mar u ka hadlayey Farqiga u dhexeeya Bulshada Qaybaheeda kala duwan iyo Khatara ku gadaaman ayaa waxa uu yidhi  “Waxa jira Farqi wayn oo u sii dhaxaynaya Bulshadeena Wax haysata iyo ta aan waxba haysan,farqigaasi wuu sii balaadhanayaa  waayo hadii hantidii iyo Dhaqaalihii ay dhinac ku ururto wax muuqanaysa inaanay nabadi jirin markaa arintaasi  waa mid muuqata oo u bahaan in wax laga qabto oo runtii nabadeena halis ku ah farqiga  sii balaadhanayaa oo u sii dhaxaynaya qofka wax haysta iyo ka aan waxba haysan oo wadan keena xoog uga jirtaa oo dad badan baa bilaa camal ah,  waxa  kale oo ka mida arinta khayraadka Dhulka  waxa leh Qaranka laakiin markii uu gacantii Qaranka ka baxay ee uu u gacan galay cid gaar ah nabada halis buu ku yahay oo maalin walba waa laysku laayaa”.

03

Agaasimaha Machadka Barashada Nabada oo ka hadlayey Doorashooyinka  kharashaadka ku baxay ayaa waxa hadalkiisa ka mid ahaa  “Dalku wuxuu galaa Doorashooyin Soonoq noqda oo aynaan Dhaqaalihiisa gacanta ku haynin, lagama bixi karo,  dhaqaalihii lagu maal galin lahaa wax barasha horu marka iyo shaqo abuur,  hadii maalin walba lagu qabto doorashooyin oo amaanka lagu ilaaliyo, wadanka dhibaato badan buu ku keenayaa, hadii aanad lahayna khatara badan bay kugu keenaysaa, markaa raadadkii ay inagaga tageen doorashooyinkii deegaanka ee dhawaa ayaa wali ina haysta, waxa kale oo jira dad dhaqaale raadi ah oo inagaga soo qul qulaya wadamada Jaarka oo nabadeena halis ku haya, waxayna la wareegeen shaqooyinkii ay dadkeena aya shaqo la’aantu haysay oo dhan qaban lahaayeen waayo wuxuu doonaabuu ku shaqaynayaa waxayna khatar ku sii yihiin lama yaqaano”.

Dhinaca kale Agaasimuhu wuxuu intaasi ku daray “Waxa kale oo ka mid shaqo la’aan  malaayiin arday ah oo dhamaystay Jaamacadaha, shaqooyin looma hayo waxay sababtay taasi markaa inay is abaabulaan oo ay isku abaabulaan kooxa budhcada ah ama meelahaa moobilada ku qaada oo ku caruuryar oo inay guryahoodii ka soo baxeen markay qabtaan waayeen ayey ku foofeen mujtamaca taasina waa arin kale oo nabadeena khatar ku ah, hadii aanad saacadaad doon meeshaad doonto aanad lugaynayn nabadu khatar bay ku jirtaa”.

04

Mark uu ka hadlayey dhibaada  Qaadka oo ay  bulshadu ku lumiso dhaqaalihii ay mana facaadsan lahayd  ayaa waxa uu yidhi “Musiibadu qaadku khatar buu ku hayaa dalkeena dhaqaaleheenii buu fuuqsaday Caadooyin babad iyo halig badan oo dalka baabinaya buu la yimid mujtamaceenii buu bur buriyey, wuxuu marayaa inay reer miyigeenii sidii ay u qayilayeen Xoola hoodii laga soo kaxaysto waayo qaadkii baa lagu sii yeelanayaa la sii amaahinayaa ilaa maalin dambe neef laga soo kaxaysanayo, dhibaatooyinka waxa ka mida dadku markay xoola hoodii ku qalileen waxay yimaadeen oo ay u soo yaaceen magaaladiil oo ayna waxba ugu diyaar ahayn khatar badan buu markaa keenayaa”.

Aaden X.Cali Axmed  waxa uu soo jeediyey  in laga hor tago oo lala tacaalo khatar walba oo soo food leh gacmahana laysku qabsado sidii horu mar loo gaadhi lahaa “Markaa waxaanu soo jeedinaynaa arimahaa in lala tacaalo oo cida hogaanka ahi ay umada ku hogaamiso waayo dadka kale way ka cararayaan, arimahana waa arimaha aan la iska indho tiri Karin, fayrasku marka uu qaabaynsan yahay maalinta ugu horeysa ee uu fursad helo ayuu qarxaa markaa waxaan soo jeedinayaa in qorshe laga yeesho, arintaa wax ka qabashdeeda waa inaynu iska kaashanaa hadii kale khart wayn ayey inagu kenaysaa”. Ayuu yidhi Aaden X.Cali Axmed

05

Waxa kale oo halkaasi khudbado kala duwanka soo jeediyey Qaarkamida Musiiliyiintii munaasibaasi ka soo qayb galay oo si qoto dheer uga hadlay qiimaha ay leedahay nabadu, masuliyiintaasi oo isug jirtay Madaxa ka socota Hay’adaha Caalamiga ah kuwa muxaliga ah iyo dhaqan yahayno is bar bardhigay dhaqan ahaan sidii nabada loo ilaalin jiray loogana hortagi jiray Colaadaha.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamaca Hargeysa Dr. Cabdi Xuseen Gaas oo ku baaqay in la ilaashado Nabada galyada waxaana uu yidhi “Nabad gal yadan aynu maanta ku faanayno ee aynu jecel nahay inaynu aduunyada la wadaagno, waxa dhibka inu keenayaa waxa weeyi wixii yaraa ee aynu haynay ayaa laysku haystaa waxa jira dad shaqo ka dhigtay waxaan leeyahay sidaa dal laguma dhiqi karo oo nabadgalyo laguma ilaalin karo waxa loo baahan yahay inaynu gacmaha is qabsano oo aynu dalka wada ilaashano wax kasta wuu leeyahay ee waxa loo baahan yahay inaynu nabad galyada aynu ku faano aynu sii adkaysano oo aynu ka wada shaqaysano”.