Hargeysa: Naadiga Akhriska ee Himilo Oo Soo Bandhigay Suugaan ay Curiyeen Hal Abuuro Da’yar ah.

0
157

01Hargeysa (Waaheen)-Munaasibad loogu magac daray Hargeysa iyo Habeenka Hal Abuurka Da’da yar oo lagu qabtay Hotel Imperial ee Magaalada Hargeysa oo soo qaban qaabiyey Naadiga Aqriska  ee HIMILO waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socota Xukuumada iyo Xisbiyada mucaaridka ah, Hogaanka Naadigaasi, qoraayo  iyo Marti Sharaf kale.

Ugu horeyn waxa halaasi hadalo kooban ka soo jeediyey mid ka mida Xubnaha Naadiga Akhriska ee Himilo Faarax Bashiir oo ka waramay Ujeedada loo asaasay Naadigaasi waxaanu yidhi “Ujeedooyinka Naadiga waxaa ka mida in la helo cidii dhalinyarada ahayd ee abadali lahayd hal abuurada ruugcadaaga ah ee loo heli lahaa hal abuur da yar taasi ah sababta aanu u nidhi maanta akhri barina qor” ayuu yidhi Faarax Fashiir.

Aamina Xaaji Maxamed Aamina Milgo Gudoomiyaha Dalada Nafis oo ka hadashay munaasiba ayaa sheegtay  in loo baahan yahay in la helo umada wax aqriyey waxna qoraysa oo aynu la mid noqoto  umadaha caalamka waxayna ku dhiiri galisay sida wanaagsan ee ay u wadaa hawshan, inaydoo tilmaantay inay jiraan dhalin si khaldan wax u fahan san oo ay ilaahay uga bariday inuu  soo hadeeyo.

Xaashi Ibraahim Siciid Hal abuur da’yar oo ka mid Hal abuurada loo sameeyey Munaasiban oo halkaasi hadalo kooban ka soo jeediyey halkaa ka cadeeyey qiimaha ay leedahay Hal abuurnidu oo haybad qofka uu ilaahay ku manaysto waanu halkaasi ka soo jeediyey Gabayo ama maansooyin uu ku cabirayo Wadaniyada oo dhinacyo badan kaga eegayo sida Horu mar lagu gaadhi karo dadka aan  fahan sanayn horu marka oo uu ugu tilmaayo Habsuugaaneed, iyo waliba sidoo kale maanso uu kaga hadlay ququuqda waalid ka oo aad muhiim u tahay ina la dhawro, iyo dhinacyada Arimaha Bulshada oo dhamaantood ku Cabiray Maanso uu ugu gudbinayo.

04

waxa kale oo isna halkaasi dhinaciisa Ku soo bandhigau Suugaan kala duwan Liibaan Saxardiid Maxamuud suugaantaasi oo uu kaga waramayo dhaliilo ba’an oo uu Xukuumada Habsuugaaneed ugu soo tabiyey iyo waliba qaar kale oo uu kaga hadlayo khasaaraha uu bani aadamka u hor seedi karo shaydaanku oo uu suugaan ugu sheegay Bulshada si ay isa ilaaliyaan, waxa kale oo halkaasi ku soo bandhigay Suugaan kala Duwan oo dhinacyo Badan ka hadlay sida sil-silad ka hadlaysa Tahriibka iyo arimo  kale Hal Abuuro Xubno ka ah Naadiga Akhriska Himilo.

02

Axmed Naasir Daahir Xuseen Gudoomiyaha Naadiga Himilo Munaasibadaasi Khudba dhinacyo badan leh ka jeedyey ayaa sheegay in uu Naadiga ka madax banana yahay arimaha Siyaasada, aanu ahayna dhaqaale raadis wixii la xidhiidha taasi uu ku sababeeyey inay yihiin waxaasi oo dhami waxa kala kexeeya, waxaanu intaa ku daray in ay ujeedada ugu wayni tahay sidii loo horu marin lahaa heerka akhriska, qoraalka iyo Cilmi baadhista iyadoo loo marayo nidaam aan ka soo horjeedin Diinta, dhaqanka iyo Distoorka, waxaanu soo jeediyey in isku duubni iyo wax wadaqabsiga lagu dadaalo, isagoo intaa ku daray inay qaban qabinayaan sidii ay u samayn lahaayeen Libarary Buugtiisu Wada Af-soomali tahay.

03

Marwo Faadumo oo halkaasi ka hadashay ayaa ku dheeraatay hiigsiga himilo uu qof bani aadam ahay leeyahay oo aan laga hadhin ama ay ka go’an tahay inuu ka midho dhaliyo  in mar uun la gaadho, iyadoo  intaasi ku dartay mar ay ka hadlaysay dhinaca siyaasada inay haboon tahay in lasheego wixii dhadhiila, qofkastaana uu xor u yahay  yahay fikirkiisa, waxayna umada Reer Somaliland ilaahay uga bariday inay la mid noqoto umadaha Horu maray, iyadoo tusaale usoo qaadatay Jaamacada Dalka oo sheegtay in hadii ay dadaal sameeyaan Ardaydoodu Gaadhi karaan Heer looga Baahdo Aqoontooda Caalamka.

07

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Sacad Cali Shire oo ka soo qayb galay munaasibadaasi ayaa  ku amaanay  Naadiga iyo Hal abuurada soo bandhigay Suugaanka kala gadisan, waxaanu ku dheeraaday qiimaha uu leehay Akhriska, isagoo xusay marxaladaha kala duwan ee uu qofka bani aadamka ahi u soo maro Cilmiga iyo Barashadiisa, waxaanu tilmaamay inuu Buuga Wanaagsani yahay Macalin Wanaagsan sidaa awgeed uu kula dar daardaarmay inay akhristaan Buugaagta Waanaagsan.

06

Wasiirku waxa kale oo u soo jeediyey inay bilaabaan inay baraan  sida wax loo qoro loona akhriyo cida aan waxna qorin waxna akhriyin hadii ay tahay Caasimada gobolada, degmoyinka iyo meelaha miyiga ahaba, waxa kale oo wasiirku tilmaamay inuu qofka muwaadinka ahi xor u yahay fikirkiisa Xukuumadana ku dhaliilo wixii dhaliila, isagoo sheegay in loo baahan yahay inay Bulshadu Horu marka keensato si ay ula mid noqdaan Wadamada Horu marka gaadhay oo ay umadoodu u hor seeday waxaanu intaasi ku daray inuu dalka u joogay si uu uga shaqeeyo Horu marka Somaliland oo uu qorbaha uga yimid, waxaanu ula dardaarmay inaan umada la niyad jabin balse wixii umada ka dhexeeya loo tudho.

05

Waxaaa halkaasi Gaba-Gadii Shahaado Sharaf lagu gudoonsiiyey Wasiirka qorshaynta iyo AGaasimaha ahna aasaasaha Naadiga.

08 09