Magaalada Ceerigaabo oo ay al baabadada u laabeen Rabshado iyo rasaas lays waydaarsaday

0
121

Ceeri Gaabo (Waaheen)Cabaaro Salaadii Maqrib ka bacdi ayey Beelaha Bariga iyo Koonfurta ceerigaabo dagaa ay magaalada Badhtankeeda ku gubeen Taagiro iyogoo dhagaxaana ku xidhay sidoo kalane sameeyey inay Buuq iyo rabshado ka abuureen Magaalada Ceeri Gaabo, waxayna sababtay inay markii dambe xaaladu Faraha ka baxdo oo ay magaaladu laba dhinac u kala safato kaas oo dhinac kastaba laysku rasaaseeyey ilaa hadana ay meelaha qaarkood ka sii dhacayso.

Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Waaheen ee Gobolka Sanaag Dad dhaawaca ayaa la geeyey Cisbitaala Ceerigaabo, hasa yeeshee wax faah faahin ah oo dheeraad ah lagama hayo, xaalada magaalada ayaa imika in mudo ah ku jirta qalalaase iyadoo shirkada laydhka u shida Magaaladu bakhtiisay laydhkii, dadkuna ay iftiin sanayaan dayaxa sidoo kale  Ciidamada Booliska iyo kuwa milatariga oo isku dayaya inay dadkaasi kala dhex galaan ayaanay ilaa hada u suurto galin.

Lama garanayo halka ay ku dambayn doonto laakiin sida uu wariyuhu ku soo waramayo waxay ka dhalatay lacagtii dhawaan la badalay ee shilin somaliga ahayd, taasi oo beelaha bariga iyo koonfurta sanaag ay ku gacan saydheen xukuumada iyo baanka dhexe oo lacagtaasi badalayey, waxaanay arinta maantu ka sii dhalatay qaar ka mida ganacsatada bariga iyo koonfurta magaaladaasi oo lacagtii shilin somaliga ee laga mamnuucay keenay oo soo galiyey suuqa, ku waasi oo ay ciidamada Boolisku xabsiga dhigeen, dadka oo markii hore ka mudaharaadayey Ganacsatada la xidhay ayaa markii dambe madaama oo ay habeenimo noqotay waxay isku badashay magaalada oo dhan ilaa hadan lama oga meel ay ku dambeyn doonto.