Guddoomiyaha SONYO Oo Malaysia Kaga Qaybgalay Shirwaynaha Caalamiga Ah Ee Dhalinyaradda Aduunka Oo Lagaga Tahriibka Iyo Nuxurka Arrimihii Lagu Falan-Qeeyey

0
210

 

Yahya Bin Mat Khatib Secretary General of Malaysian Association of Youth Clubs

Hargeysa, September 18, 2013 (Haatuf) – Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee Somaliland ee SONYO Mubaarak Ismaaciil Taani ayaa ka qayb galay shirweynaha Caalamiga ah ee Dhalinyarada Aduunka oo sanadkan lagaga hadlayay  Masiibadda Tahriibka Dhalinyarada Adduunka, isla markaana lagu falanqeeyey sida loo Joojin lahaa ama hoos loogu dhigi lahaa Aafada Tahriibka oo dunida oo dhan laga dareemay.

Shirwaynaha dhalinyaradda aduunka  oo 12-kii ilaa 14-kii bishan September si rasmi ah uga furmay Caasimada Gobolka Melaka ee Melak ee dalka Malaysia  ayaa waxa soo qaban qaabiyey Ururka Dhalinyarada Aduunka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (WAY), kaas oo ay xubno ka yihiin ururada dhalinyarada ee 120 dal oo Aduunka ah, isla markaana la aas-aasay 1949.  waxa xaflada furitaanka ee shirkaas ka soo qayb galay Wasiirka Dhaliyarada iyo Ciyaaraha ee Dalka Malaysia Mudane Khairy Jamaaladdin, Madaxweynaha Gobolka Melaka (Melaka State) Hon. Mohamed Ali Bin Mohamed Rustam oo ahna Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Aduunka ( World Assembly of Youth – WAY) oo soo qaban qaabiyey shirkan caalamiga ah, Xoghayaha Guud ee Ururka WAY, Labada Gudoomiye Ku Xigeen ee Ururka WAY, saraakiil sar Sare oo ka socday xarunta Qaramada midoobay, safiiro iyo masuuliyiin aad u tiro badan.

SONYO Umbrella Chairperson, President of Malaysian Youth Council, Mohamed Maliki (Center) & Hussein Al Ahmed, Vice President of World Assembly of Yo

Sidoo kale Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani ayaa ka qayb galayaasha shirkaas la wadaagay, una soo bandhigay xaalada adag iyo dhimashada badan ee dhalinyarada reer Somaliland ee Tahriibtaa la kulmaan inta ay ku jiraan socdaalkooda tacabirka ah. Waxaana sidaas lagu sheegay Warsaaxafadeed ay shalay soo saartay Dalladda SONYO, kaas oo uu ku saxeexnaa Ku Simaha Guddoomiyaha Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO Md. Mustafe Mohamed Tahir, ayaas isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:- “Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee Sonyo Mubaarak Ismail Taani oo ka qayb galay shirweynaha Caalamiga ah ee Dhalinyarada Aduunka oo sanadkan lagaga hadlayay Tahriibka Dhalinyarada Aduunka oo lagu qabtay September 12 – 14, 2013 dalka Malaysia, gaar ahaan Caasimada Gobolka Melaka ee Melaka,kaas oo ku dhamaaday Jawi qurux badan, kuna soo gunaanadmay qaraar ay dhalinyarada Aduunku ka soo saareen gaba gabadii shirka. Qaraarkaas oo ay saxeexeen dhammaan wadamadii dhalinyaradoodu ka soo qayb gashay shirka oo Soomaalilandna ka mid ahayd, kuna saxeexday magaca Jamhuuriyada Soomaaliland.

SONYO Umbrella Chairperson, from Somaliland Republic, among World Youth Leaders, attends at International Youth Conference on Youth Migration in Mal

Shirkan, oo ay soo qaban qaabisay Ururka Dhalinyarada Aduunka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (WAY) oo ay xubno ka yihiin ururada dhalinyarada ee 120 dal oo Aduunka ah, lana aasaasay 1949, waxa xafladiisii furitaanka ka soo qayb galay Wasiirka Dhaliyarada iyo Ciyaaraha ee Dalka Malaysia Mudane Khairy Jamaaladdin, Madaxweynaha Gobolka Melaka (Melaka State) Hon. Mohamed Ali Bin Mohamed Rustam oo ahna Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Aduunka ( World Assembly of Youth – WAY) oo soo qaban qaabiyey shirkan caalamiga ah, Xoghayaha Guud ee Ururka WAY, Labada Gudoomiye Ku Xigeen ee Ururka WAY, saraakiil sar Sare oo ka socday xarunta Qaramada midoobay, safiiro iyo masuuliyiin aad u tiro badan. Waxa kale oo Shirkan si rasmi ah uga qayb galay in ka badan 250 dhalinyaro ah oo kala socday wadamada Aduunka oo Jamhuuriyada Soomaaliland ka mid tahay, si rasmi ah loogu soo casuumay.

SONYO Umbrella shares Somaliland's youth migration dilemma at an International Conference and World Stage

Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO Mr. Mubarak Ismail Taani oo shirkaasi ka qayb galay ayaa ka qayb galayaasha shirka la wadaagay, una soo bandhigay xaalada adag, isla markaa dhimashada badan ee dhalinyarada reer Somaliland ee Tahriibtaa la kulmaan inta ay ku jiraan socdaalkooda tacabirka ah. Xaaladaas oo ergadii shirku walaac ka muujisay.  Gudoomiyaha Dallada Sonyo waxa uu sidoo kale la kulmay Gudoomiyaha Ururka WAY, ahna Madaxweynaha Gobolka Melaka (Melaka State) Hon. Mohamed Ali Bin Mohamed Rustam isaga oo hadyad ahaan u gudoonsiiyey Calanka Qaranka JSl, si rasmi ahna ugu wareejiyey waraaqaha codsiga ah ee xubin ka mid noqoshada Dallada Sonyo ee Ururka Dhalinyarada Aduunka ee World Assembly of Youth – WAY. Waxa kale oo uu kulano gaar ah la qaatay Gudoomiyaha Golaha Dhalinyarada Qaranka ee dalka Malaysia Mr. Mohamed Maliki Mohamed Rapiee, Gudoomiyaha Golaha Dhalinyarada Qaranka ee dalka Yemen, ahna Gudoomiye ku xageenka Ururka WAY Mr. Hussein Al Ahmed, Gudoomiyaha Ururka International Youth Peace Forum (IYPF), ahna Gudoomiyaha Golaha Dhalinyarada Qaranka ee dalka Bangladesh, Mr. Alhajj Mohamed Fazlul, Gudoomiyaha Midowga Ururada Malaysia Mr. Yaxye Bin Mat Khatib, Gudoomiyaha Golaha Dhalinyarada Dalka Nepal Mr. Pradip Pariyar iyo guud ahaan hogaamiyayaashii Dhalinyarada ee ka kala yimid dunida ee shirka ka soo qayb galay.

SONYO Umbrella Chairperson with Indonesia, Bangaladesh, Nepal, Yemen. and USA youth delegatesSONYO Umbrella shares Somaliland's youth migration dilemma at an International Conference and World Stage (2)

Gudoomiye Mubarak Ismail Taani ayaa ku tilmaamay shirkaasi mid muhimad badan ulahaa  Dhalinyarada JSL iyo guud ahaan JSL, aadna loogu bartay Magaca Jahmuuriyada Somaliland. Sidoo kale qaraarkii shirka ka soo baxay oo loo kala diri doono dalalka Aduunka, Qaramada Midoobay, hayadaha qaadhaan bixiyayaasha waaweyn sida USAID iyo Midowga yurub, waxa dalalka Aduunka ee saxeexay, shirkana ka soo qayb galay ka dhex muuqda magaca Jamhuuriyada Somaliland. Waxa kale oo uu xusayn Gudoomiyuhu in Jamhuuriyada Somaliland lagu suntay mid ka mid ah dalalka uu tahriibka Dhalinyaradu aafeeyey mudana in wax lagala qabto taasina ay guul u tahay wax ka qabashada tahriibka dhalinteena

ee mustaqbalka.

Shirka ka dib, Gudoomiye Mubarak Ismail Taani waxa uu la kulmay ardayda reer Somaliland ee wax ka barata Jaamacada IUM ee magaalada Kuala Lumpur iyo sidoo kale Safiir ku Xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Malaysia Mr. Aziz Bin Mustafa oo uu dhexmaray is xogwaraysi balaadhan. Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Somaliland ayaa la filayaa in uu ku soo laabto dalka maanta oo Arbaca ah 18 September 2013 ka Insha Alla. Waa markii labaad ee Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee Sonyo ka qayb gasho Shir Caalami ah, kuna matasha magaca JSL iyo magaca milgaha iyo meeqaamka sareeya ee Dhalinyarada JSL”.

 

SONYO Umbrella Chairperson attends at an International Youth Conference  on Youth Migration held in Malaysia