Hay’ada Mercy-corps oo Fasalo Cusub ku Kordhisay Dugsiga Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf ee Hargeysa.

0
173

P1020816Hargeysa (Waaheen) Agaasimaha Dugsiyada Sarre ee wasarada Waxbarashada Maxamed Saalax Dalmar ayaa Maanta dhagax dhigay Fasalo cusub oo Hay’ada Mercy-corps ay ku soo kordhisay Dugsiga Sheekh Ibraahin Sheekh Yusuuf ee (X-Gacan libaax).

Munaasibada Dhagax dhigan ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin ka Socday Wasarada Waxbarashad oo ay ka mid yihiin Guddomiyaha Waxbarashada ee Waxda Bariga Hargeysa Ismaciil Dhubato, Agaasimaha Dugsiyada Sarre ee wasarada Waxbarashada Maxamed Saalax Dalmar, Ibraahin Cumar Axmed oo ka socday Hay’ada Merecy-Corps,  Maamulaha Dugsiga Sarre ee Sheekh Ibraahin Sheekh Yusuuf Sheekh Madar. Md. Siciid Cabdi Shiil iyo Guddida Walidiinta ee Dugsigaasi.

Maamulaha Dugsiga Sarre ee Sheekh Ibraahin Sheekh Yusuuf Sheekh Madar. Md. Siciid Cabdi Shiil ayaa ugu horeyan halkaasi ka hadlay isaga oo u mahad Celiyey Hay’ada Dhismayaasha Cusub Dugsiga ugu kordhisay, waxa kale oo u mahad celiyey Shirkada Home Star oo ku guuleystay Dhisida dhismahaasi.

Waxaanu yidhi.  “Inaga oo Maanta ku Sugan Dugsiga Sheekh Ibraahin Sheekh yuusuf oo hore loo odhan jiray Gacan Libaax, runtii waxaanu ka maamul ahaan u mahad celinaynaa Hay’ada Merecy-corps oo iskuulka noogu kordhinaysa 4 Fasal oo cusub, iyo Taanigi Biyood, waxa kale oo ay noo raacinayaan Musqulo kuwaasi oo loogu tallo galay ardayda wax ka barta Dugsiga Sarre ee Sheekh Ibraahin.”Ayuu yidhi Siciid Cabdi Shiil.

P1020812

Ibraahin Cumar Axmed oo ka socday Hay’ada Merecy-Corps  oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegey in Hay’ada Merecy-corps ay dugsiga markii ay aragtay baahida ka jirta ee fasalo yaraanta ayaa waxaanu go’aansanay in aanu ku soo kordhino 4 fasal oo cusub iyo Musqulo ay Maclimiintu isticmaalan. Waxaanu yidhi.  “Merecy-corp ahaan waxaanu dugsiga ka hirgalinaynaa Afar Fasal oo cusub oo balaadhin ah iyo Suuliyaal ay Isticmaalayaan Macalimiinta Iskuulku, iyo Taangi biyo ah oo iskuulku kayd ahaan u isticmaalidoon, runtii Markii aanu soo qiimaynay Ardayda Dugsiga dhigta ayaa waxanu ogaanay in ardayda fasalka fadhidaa ay ka badan yihiin intii loogu tallo galay, sidaasi darteed markii aanu baahidaasi aragnay ayaanu ku soo kordhinay afarta fasal ee cusub, Waxa Dhismaha Fasaladan Hirgalinaysa hay’ada Mercey-corps, Waxana dhaqaalaha Bixisay Hay’ada US-AID.”Ayuu yidhi.

P1020807

Guddomiyaha Waxbarashada ee Waxda Bariga Hargeysa Ismaciil Dhubato  oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in cidhiidhi badan uu ka jiray iskuulka oo ku yaraaday  ardayda  dhigta, waxa kale oo uu xusay in mar haddii Hay’ada Mercey-corp ay fasalo cusub ugu soo kordhisay Dugsiga ay yaraan doonto baahidii loo qabay Fasalo cusub.

Agaasimaha Dugsiyada Sarre ee Waxbarashada Maxamed Saalax Dalmar oo isaguna Gabogabadii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay ardayda dugsiga Sheikh Ibraahin ka baxaan cidhiidhigii haystay.

Waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu farax sanahay in ardayda dugsiga sheikh Ibraahin ay ka baxeen cidhiidhigii haystay ee dhinca fasalada, waxa kale oo aan u mahad celinaya hay’ada Mercey-corps  oo iyaduna inoo dhisaysa fasaladaasi iyo Musqulahaasi.”Ayuu yidhi.