Wiilka Ugu Yar Aduunka Ee Ka Shaqeeya Warshadaha Hubka Sameeya

0
153

Wiil yarMr. Issa oo ah wiil yar ee sharshad hubka samaysa oo ku taala dalka Syria ka shaqeeya ayay da’diisu tahay 10 jir, kaas oo noqday shaqsigii ugu da’da yaraa adduunka ee ka shaqeeya wershadaha hubka soo saara ee ciidammada dalka Syria leeyihiin, kaas oo maalin kasta sanceeya noocyada hubka culus ee halista ah.

Wiilkan yar wuxuu ka hawlgalaa shirkad hubka samaysa oo ku taal degaanka Aleppo, waxaannu qalabka hubka lagu samaynayo iyo wershadda soo saartaba ka shaqeeyaa toban saacadood toddobaad kasta lix maalmood. Mr. Issa waxa uu hubka ku qaadaa gaadhi yar oo ka wax lagu jiida, sidoo kalena wuxuu sameeyaa hubka waaweyn ee ay ka midka yihiin madaafiicda, baasuukayaasha iyo kuwa lidka diyaaradaha.

Waxyaabaha cajiibka ah ee wiilkan sameeyo oo uu sawirro ka qaaday weriye Xamid Khatib oo ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa muujinaya wiilkan yar oo baasuukayaal gacanta lagu sameeyey gelinaya warshad hubka soo saarta oo uu ka shaqeeyo. Waxa kale oo muuqaallada laga qaaday ka muuqda wiilkan yar oo mararka qaar intuu ku daalay hawsha ku nasanaya meel aan ka fogayn warshadda uu ka shaqeeyo, waxaannu guriga u raacaa aabbihii marka uu maalintaas oo dhan shaqeeyo si ay ugu hurdo doontaan.

Wiilkan yar dugsi waxbarasho ma tago, balse waxa uu quutal-daruuriga la soo saaraa aabbihii, aakhirkana waxa laga yaabaa inuu noqdo haddii aan halis caafimaad la soo darisin khabiir soo-saarista hubka yaqaan.