Madaxwaynaha Somaliland Oo Mashaariic tiro badan xadhiga ka jaray magaalada Berbera‏

0
131

DSC_1576Berber (Waaheen)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed  maxamed  Maxamuud Siilaanyo iyo wafti  Baaxadleh o ay ka mid yihiin Tiro Golaha wasiiirada Somaliland ah Xildhibaano ka tirsan Golaha baarlamaanka iyo golaha Guurtida o Maalintii Labaad Booqasho shaqoku Joogay xarunta G/saaxil e Berbera,  hadaba Saaka ayaa madaxwayne Siilaanyo Waxa  u Xadhiga ka jaray mashaariic tiro badan o ay kala fuliyeen Dawlada Hoose iyo Wakaalada Dekada berbera,

Maareeyaha dekada wayn e magaalada berbera Eng Cali Cumar maxamed ayaa ugu Horay Madaxwaynaha warbixin ka siiayay Afar mashruuc o isugu jiray sidatan, waxaaanu mareeyuhu hadalkiisa ku bilaabay,

Waxa maanta halkan inoo sharaf ah  in madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland in u maanta halkan inoo furo qayb ka mida horumarinta Mashaariicda  dekad e  la qabtay mudo sanad ah, Qaybtaasi waxay dhan tahay tobankun o mitirig iskuweer, waxa galay  labo,kun iyo shanaboql o matiiriyal ah, Qiimo ku dhaw halmilyan o doolar ayaa ku baxay,Waxaan filayaa dadka engineerada ahi way garanayaan marka labokunn iyo shan boqol  o mitirig isku weer lagu  dhufto sadex boqol o doolar, waa todaba boqol iyo konton kunn o doolar,

waxa kale o u yidhi maareeye cali xoor xoor , Goobtani Bad ayay ahayd o matiiriyalka lagu dhisay qayb ka mida debada ayaanu kasoo iibinay qaybta kalena waa caro kaawooyin iyo darju matiiriyal o aanu kasoo saaray bada,  Intaa wuxu ku daray maareeye cali xoor xoor in ay goobtan cusubi ay qaadi karto ilaa todoba boqol o konteenar , waxa intaa kusii daray in ay goobtan hada ka rareen sadex boqol o konteenar o  ay leedahay shirkada Mears si ay u banaanaato o madaxwaynaha iyo waftigiisu u arkaan dekada cusub e wakaalada dekadu dhistay iyada o aan cidna la kaashan,

DSC_1576

Maareeyuhu waxa kale o u sheegay in qorshahani yahay fidinta dekada si kabaasitigeeda loo kordhiyo,

Waxa kale o uu bayaamiyay  maareeyaha dekada berbera in ay ka go,antahay  xukuumada somaliland in la Maalgaliyo dekada isagoo xusay in ilaa hada wadahadal u u socdo ilaa afar shirkadood , Waxaanu sheegay in xukuumadu heshiis la galidoonto ta ugu fiican e danteenu gasho,

Maareeyaha dekada berbera waxa kale o u shaaca ka qaaday in wadahadlo ay u socdaan   dalka itoobiya si halakn ayuu yidhi sanadkii ilaa todaba milyan o tan ay u gudbaan dalka itoobiya,

DSC_1542

Maareeyaha dekada berbera ayaa waxa kale o u kahadlay in siyaasada Madaxwaynaha somaliland ay ka midtahay in laga shaqeeyo  Barmaamijka  dhaqaalaha dalka iyo sidii kor loogu  qaadi lahaa barmaamijka dhoofka xoolaha iyo Export ka dekada  iyo waliba barmaamijka  ganacsiga e aynu la leenahay dalka etoobiya o qiimihiisu dhan yahay Boqolka milyan  ayuu yidhi maareeyuhu, waxaanu ugu danbayn maareeyaha dekadu soo bandhigay qalabkii ay soo iibsdaeen sideedii bilood e u danbaysay o qiimo badan ku jooga dekada , Maamulka sare e dekada berbera ayaa siddoo kale waxay qoraalku qaybiyeen Horumarka kala duwan e ay ku guulaysteen.

DSC_1541

Maayorka magaalada berbera   cabdishakuur maxamuud xasan Cidin  ayaa  o soo dhawayntii ugu balaadhnayd u sameeyay waftiga madaxwaynaha  somaliland hogaaminayo o Booqasho labo casho ah ku joogay Berbera, Maayorka berbera ayaa waxa u ku guulaysatay waxqabadkii ugu waynaa e e ay sameeyaan dawladaha hoose e magaalooyinka waawayn e Somalland ,waxaana madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo u xadhiga uga jaray sagaal (9) Mashruuc o  isugu jiray Wadooyin,Dhismayaal Cusub iyo  Gaadiid kala duwan o halbawle u ah shaqada Dawlada Hosse,

DSC_1573

Waxaanu madaxwayne axmed maxamaed maxamuud u aad ugu amaanay Duqa berbera Horumarka baaxdaaa leh e u ku guulaysaty isagoo u rajeeyay in ay halkaa kasii wadaan,

DSC_1474

Booqashadan Shaqo ayaa madaxwaynaha Somaliland Waxa ku wehelinaayay Wasiirada Warfaafinta,Madaxtooyada,Deegaanka,Gaashaandhiga, waxbarashada,Wasiirul Dawlaha maaliyada,Wasiir Dhinaca Amniga e wasaarada arimaha gudaha, Wasiirka beeraha, Wasiirkii hore e arimaha gudagha Ismaaciil yare,Afhayeenka madaxtooyada somaliland Axmed saleebaan Dhuxul, iyo Marwada Kowaad e qaranka Somaliland aamina Waris.x. Maxamuud Jirde,

Waftigan Miisanka Culus ayaa isla saaka u amba baxay Gobolka Togdheer iyadoo la filayo in u Waftigu hore usii socdo

DSC_1528 DSC_1529

Wariye Yasin Jamma Ali