Wasiiradda Itoobiya iyo Ingiriiska u tagay maslaxaada Shirkadihii Shiidaalka iyo Diyaaradaha oo ku dhawaaqay in ay Heshiiyeen

0
50

Hargeysa(Waaheen) Wasiiradda Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cali Ducaale, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade iyo maxamedWasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa siyaabo kala duwan oo la xidhiidha sidii ay wadahadalo ula soo yeelan lahaayeen Shirkadda Genel Energy iyo Itoobiya Airline oo Dalka ka baxay ku jooga Dalalka Ingiriiska iyo Itoobiya.

Labada wefti oo midba dhinac ula kulmay masuuliyiinta labada Shirkadood ayaa sheegay in ay Guul ugu soo dhamaadeen wadahadaladii ay la yeesheen madaxda shirkadahaasi, waxaanay ku dhawaaqeen in ay labada shirkadoodba aqbaleen in ay Dalka dib uga bilaabaan hawlihii ay ka wadeen.

Maxamed Biixi Yoonis iyo Xuseen Cali Ducaale oo la hadlay qaar ka mid ah Qurbajooga London oo ku booqday Hotel ay deganaayeen ayaa u sheegay in Shirkadda Genel Energy ka cabatay dhinaca Amaanka ka Somaliland ahaana ay u sheegeen in aanay jirin wax amaan darro ah oo ka taagan dalka, waxaanay xuseen wax kasta oo ay ka cawdeen in Xukuumadda Somaliland balanqaadayso inay fulinayaan sidii loo sugi lahaa.

Labada Wasiir waxa ay sheegeen in ay si dhakhso ah Shirkadda Genel Energy dalka ugu soo laabanayso isla markaana wadahadalo kale u socdaan shirkadihii kale ee ay Qandaraasyada Hoose siiyeen, hase yeeshee waxa ay dadweynaha Reer Somaliland ka codsadeen in ay joojiyaan waxyaabaha dhibaatada u keenaya Shirkadaasi, iyagoo ku dooday in ay dhibaatada wadaan dad aan doonayn in shirkadahani wax ka qabtaan Dhaqaalaha Dalka.

Hadalka labada Wasiir ayaa ku soo hagaagaya xili ay Xukuumadda ay ka tirsan yihiin waxba ka qaban wayday cabashooyin badan oo ay dadka deegaanku usoo jeediyeen qaabka loo maamulay hawsha Sahanka Shiidaalka oo ay ku eedeeyeen Xukuumadda, sidoo kale sida Wararka naga soo gaadhaya magaaladda Burco sheegayaan in qalabkii shirkadaas iyo goobihii ay deganaydba la baabi’iyay, iyadoo ay isa soo tarayaana cabashooyinka Dadweynaha ee raadkii shirkadaasi kaga tagtay Deegaanka.

Dhinaca kale, Wariyaha Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan Shirkadaha Shuraakada ku ahaa Sahanka Shiidaalka ee Gobolkaasi oo uu ka mid yahay Ibraahim Maxamed Xasan iyo nin kale oo Ajanabi ah oo labadii maalmood ee u danbeeyay ku jiray baadi-goobka iyo sidii dib loogu soo celin lahaa Qalabkii shirkaddaasi oo la hadal hayo qaarkood in ay ku dhaceen gacmo qaldan.

Dhinaca kale, Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in Shirkadda Duulimaadyada Itoobiya si dhakhso ah u bilaabayso Duulimaadyadii Madaarka Hargeysa, isla markaana ay Heshiis ka gaadheen wadahadalo ay yeesheen.