TALO QASAN:

0
75

                              War-Saxafadeedka Gabboodka 10 Madalood, 10 Gole iyo 10 Ardaa Qaran

Annaga oo ah gabbood qasan oo ay ku modoobeen 10 Madalood, 10 Gole iyo 10 Ardaa oo heer qaran ah, oo taageersan Golaha ama Madasha Talo Qaran, iyo Madaxda xisbiyada mucaaridka ee toodii u sadqeeyey kuna sidkay miisaanka madasha cusub, ee dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa, iyaguna si xilkasnimo leh, oo tudhaale  leh, oo cilmiyaysan ugu baaqay markiiba in Somaliland isugu timaaddo talo qaran oo ismuujin ah, waxa aannu si buuxda ugu tageersannahay odayadaa isxilqaamay qodobbada soo socda ee sida weyn uga dhex muuqday war-saxaafadeedyadooda, tilifoonnadooda iyo baarlamaan-ka-dhex-tooskooda dhiirran ee mitidaysan:

  • Ø In lagu bogaadiyo Madasha Wada Tashiga guulaha ay ka soo hooyeen soo-erogelinta Xisbiyadii Qaran ee Tastuuriga ahaa, iyada oo Madashu ku guulaysatay inay iyada oo aan tastuuri ahayn hoos yimaaddaan, loogana arrimiyo
  • Ø In guushaa kor ku xusan lagu iftiimiyo in laga tallaabsadfay wixii la odhan jirey Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, laguna bedelo mid u qoran si uu gadaal ka soo sheegi doono Gabboodkani
  • Ø In la xoojiyo, lana dardargeliyo, mabda’a ku-qabso Ku qadi mayside, oo beryahan dambe habac badani ku soo kordhay
  • Ø In si xeeladaysan oo ku jaango’an hoggaaminta, maaraynta iyo waayo-aragnimada xubnaha ku midoobey Madasha Wada-tashiga iyo Mucaaradka bahoobay, loo curyaamiyo guulaha xukuumaddan aynu hadda dibedda ka joogno, ee dad kale uun ku taxaysa xilalkii aynu isu dhignay
  • Ø In la ciideeyo oo la cambaareeyo cid kasta oo innala doodad ama ka hadasha waxa ay ugu yeedhaan samaha, horumarka, guusha qaran, iwm.
  • Ø In adduunka cod dheer lagu gaadhsiiyo oo cid walba loogaga horreeyo fidinta goldaloolooyinka Somaliland-tooda
  • Ø In la manhajyada iskuullada lagu daro in laga baxay magaca waddani, oo ay ka habboon tahay ‘danayste’
  • Ø In hoosta laga xarriiqo, laguna daydo ururrada saxaafadda iyo kuwa diiniga ah oo ku guulaystay inay la midoobaan, oo aanay la gabban, dhiggooda Somalia, iyada oo aan manta lagu dhici Karin – haddii la taabtona adduunkuba isla oogsanayo
  • Ø In xidhiidh togan oo sokeeye lala yeesho Somalia, Al Islaax, Ahlu Sunna, Damul Jadiid, Al Shabaab, UNSOM, Jabbuuti,Khaatumo, Awdal State iyo cid kasta oo aan raalli ka ahayn Wax Somaliland la yidhaahdo oo ka hanoqaadda mandaqaddan Geeska Afrika
  • Ø In La mideeyo xoogagga Siilaanyo-nacaybka, Xirsi-nacaybka, Samaale-nacaybka, Muuse Biixi-diidka, iwm. Si loo burburiyo guulaha Somaliland tirsato ee inna qarqiyey
  • Ø In la gunneeyo oo hiil iyo hooba la isla barbar taago ragga iyo haweenka habeen iyo maalin u tafo-xaydan horumarinta qaddiyadaha Gabboodkan, ee wadnuhu engegay, sida Marwo Baar Siciid (Isxambaar), Marwo Faadumo Siciid (Isciyaaleeya), Keligii-Mujaahid Ustaad Cali Guray, Keligii-aqoonyahan Jamaal Cali, Xisbiyahan, Ma-Gabbade Faysal Cali, Nabane Cabdiraxmaan Cirro iyo inta la midka ah.
  • Ø In aan lagu keliyayn xubnaha firfircoon ee sida tooska ah uga soo weriya, gunnadana ka soo qaada inanta fiican ee Fooziya, Xasan, Saacid, iyo madaxda kale, ee lagu xoojiyo xubno kale oo xidid, xigto iyo sigaal-saaxiibtinimo ay yeelan karaan, lagana soo xulo xybnaha 30ka ah ee Gabboodkan isku bahaystay

Talo waa Tan Ilaah!

 

Madalaha

  1. Madasha Dantood-jirayaasha
  2. Madasha Wada Tashiga & Toosinta Taban
  3. Madasha Hor-iyo-daba-Diidka
  4. Madasha Xamar-la-Heshiiya
  5. Madasha Kayraadku-Waa-Kee
  6. Madasha  Dhiirrigelinta Tahriibka
  7. Madasha Tacluustiyo Tawsta
  8. Madasha Haddaan-talo-Doonay
  9. Madasha Hurdaaban-ka-Toosay
  10. Madasha Hayee-Wax-Na-Siiya

 

Golayaasha

  1. Golaha Keligii-Fariidka
  2. Golaha Qurxinta Tawaawaca
  3. Golaha Midaynta Muqdishiyo Hargeysa
  4. Golaha Qaylo iyo Qayraan
  5. Golaha Haweenka Baxdoobay
  6. Golaha Fadhi-ku-Dirirka
  7. Golaha Maalin-ku-Macaashka
  8. Golaha Wegerta Bahawday
  9. Golaha  Wadaadka Beloobey
  10. Golaha Wanjalaadda

Ardaayada

  1. Ardaaga Muwaadin Saqiiray
  2. Ardaaga Dalkaan-la-colloobay
  3. Ardaaga Indha-adaygga
  4. Ardaaga Waxbaa La Cunaayey
  5. Ardaaga Abaabulka Beesha
  6. Ardaaga Dulmane-Doonka
  7. Ardaaga Masayrka
  8. Ardaaga Maqlaayda
  9. Ardaaga Ma-geyno
  10. Ardaaga Fadhiidka

 

Mudane Geelle Talowaa,

Xoghaye Guud

Gabboodka Talo Qasan