Wakiilka SLand ee UK oo Wasiirkii cusbaa ee arimaha Dibeda Yoonis iyo Jaaliyadii UK durba iska horkeenay

0
89

Waxaa ayaamahan ku sugnaa magaalada London laba wasiir oo ka tirsan xukuumada Somaliland waa Maxamed Biixi Yoonis Wasiirka Arimaha Dibada iyo Xuseen Cabdi bbbDucaale Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Labada wasiir oo sida la sheegay UK u yimi arimo shaqo oo la xidhiidha hawlaha Shirkadii Genel energy ee Hawlaha shidaal sahaminta ka waday Bariga Somaliland.

Sidii cadaada ahayd jaaliyada Somaliland ee UK waxay isku dayeen siday u arki lahaayeen wasiiradooda balse Wakiilka Somaliland ee London Cali Cawale ayaa diiday wax xidhiidh ah oo lala yeesho wasiiradaas isagoo jaaliyada marba hotelo aanay deganayn u tilmaama, hase yeshee aakhirkii waxaa ku guulaystay Odayaasha muxtarimka ah ee reer London inay xidhiidh toosa la yeeshaan Labada wasiir iyadoo taasi ay suurta gelisay in in Wasiiradu arintan ka cadhoodaan ka dibna ay maanta Khamiistii amar ku siiyeen Cali Cawaale inuu soo kireeyo Hool iyo Casho Sharaf ay kula kulmaan jaaliyada si ay warbixin u siyaan inta aanay dalka ka noqon isla markaana uu wargeliyo dhamaan jaaliyada UK cid kasta oo ka soo gaadhi karta.

Amarkaas Wasiiradu bixiyeen ka bacdi Sidii cadaada u ahayd Wakiilka Somaliland ee London Cali Cawale wuxuu dhabarka taabtay dhawr qof oo qaraabadiisa ah iyo dhawr oday oo reer London ah isagoo aan haba yaraatee wax Hool ah soo kiraynin balse dhawrkii qof ee uu warka gaadhsiiyey Casho Uga balamiyey Hotelka ay Wasiiradu deganayeen, waxaase xiligii balantu ahayd Hotelkii soo buux dhaafiyey jaaliyada badankeedii oo uu warku si kale u gaadhay isaguna aanu filayn imanshaha dadka intaas leeg balse uu filayey uun dhawrkii qof ee uu u sheegay.

Markii Jaaliyadii soo. Buux dhaafisay Restourentkii Hotelka ku yaalay Wasiiradiina isu soo diyaariyeen inay jaaliyada la casheeyaan ayaa Cali Cawaale Shaqaalihii Hotelka ku wargeliyey inaanu masuul ka ahayn dadkan badan ee uu masuul ka yahay keliya dhawrkii miis ee uu balansaday cashadooda, sidaa darteed ay dadkan dareeriyaan ama iyaga ka qaadaan cashada ay cunaan, intaas ka bacdina waxaa mar qudha isa soo dul tubay Shaqaalihii Hotelka Jaaliyadii oo fadhida isla markaana ku war geliyey inay ka dareeraan goobta maadaama oo aan looga yeedhin hadii ay rabaan Casho iyo shirna ay kiraystaan Hoolalka loogu tala galay kulamada dadka tiradaas leeg ee Hotelku leeyahay.

Intaas ka dib waxaa mar qudha isla oogsaday qaylo iyo buuq iyadoo arinkaasi cadho xoog leh ku abuuray jaaliyada oo qaarkood gobolo kale ka yimaadeen cadhadii ka dibna iyagoo Wasiirada iyo Dawladaba maagaya kadinka ka booday, ka dibna Wasiirka Arimaha Dibeda ayaa Cali Cawaale ku yidhi waar miyaanad meesha inoo kirayn sawnagii ku nidhi Hool jaaliyada aanu ugu warano oo kula cashayno inoo diyaari wixii kharash ahna ha lagu daro kharashka Hotelku naga rabo anagu ma cid gaara noo balami baanu ku nidhi mise tiro cayiman baanu kuu sheegnay, markii uu Wasiirku si cadho leh dhawrkaa erey ugu tuuray Cali Cawale ayuu jaaliyada usoo jeestay oo yidhi fadhiista oo raali ahaada

Balse arimahaasi ma dejinin Jaaliyadii oo buuqa iyo dacwada laga dacwoonayo Cali Cawaale ayaa isla oogsatay iyadoo Wasiirada loo sheegay inaan Wakiilka Somaliland ee UK ahayn masuul isku xidhi kara Shacabkiisa iyo dawladiisa balse uu yahay mid ka shaqeeya siduu isu nacsiin lahaa Jaaliyada iyo Xukuumada Somaliland isagoo masuul ka ahaa kala godoomintii Wasiirkii hore iyo jaaliyada balse aanu moodaynay inaanu u noqon doonin.

Isku soo wada duuboo waxaa iyaguna dhinaca kale dabka sii shiday shaqaalihii hotelka oo yidhi meeshan maydaan balansan in dad tiradaas leegi imanayaan ee na dhaafa ugu danbayna kulankii wuxuu ku soo afmeermay cadho iyo hiif loo xambaariyey masuuliyiintii Wasiirada ahaa sabateedana uu leeyahay Wakiilka SLand ee UK Cali Cawale oo aan marna ka fekerin falalka uu ku dhaqaaqayaa dhaawaca ay keeni Karajan.

Eng. Khadar Mawliid

London UK