Madaxweyne Siilaanyo oo furaya Berri Dugsi tababarka Ciidamada dararweyne

0
127

Dararweyne (Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siilaanySiilaanyo ayaa berri xadhiga ka jaraya Dugsiga Tababarka Ciidanka Qaranka oo laga hirgeliyay deegaanka Dararweyne ee duleedka Hargeysa.

Dugsigan oo laguaa qaban dono xaflad aad u balaadhan waxa ka soo qayb gali doona dhamaan Ciidamadda kala duwan ee Dalka, waxana lagu maamuusi doonaa Dufcadii ugu horaysay oo lagu xarayn doono isla markaana loo bilaabi doono Tababar heer  sare ah.

Dugsigan oo in Muddo ah dhisnaa waxa Somaliland ka caawisay Dawladda Britain, taasoo ugu talogashay in ay ka dhigto Akadamiyad Ciidamadda Somaliland ku qaataan Koorsooyinka kala duwan ee ay qaataan Ciidamo u abuurana qaab dawladnimo.

Hore, Dawladda Ingiriisku waxa ay Somaliland ugu dhistay Wasaaradda Gaashaan dhiga Hargeysa taasoo muuijsay xidhiidhka ka dhaxeeyay labada Dal.