Somaliland laguma Arag koobka Heerka labaad ee Kubada oo dhamaada

0
111

Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaruhu waxba yayna dadka isku sheegin  waligeed ilaa tii daahir riyaale lama arag koobkaheerka labaad zero ba oo dhamaaday  oo lakala guulaystay  wuu baaba’aa uun xitaa ma dhaafo wareega hore ee groups ka !

wiilka articleBismilaahi Raxmaani Raxiim

 Anigoo ku hadlaya magacayga ka dhalijnyarada wadanka iyo ka bahda isboortigaba lana hadlaya wasaarada loo igmada dhalinyarta wadanka ka hayaantay inay u qabtaan wareegyo ay ku iloobaan tahriibta ama hawlaha kale ee la halmaala sida QAADKA IYO SIGAARKA  oo manta fara baas inagu haya, waxaan leeyahay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha inayna waxba ka qaban Karin koobkaasi oo ay ku fashilmayaan sidii koobabkii hore oo kale tan iyo dowladihii hore, ama hala keeno  Wasiir cusub  ama hala keeno Agaasime cusub anagu hadanu nahay dhalinyarada wadanka kusii hadhay ee joogta kana war haysa waxyaabaha ka dhaca wadanka gudihiisa, waxa iska cad oo ah wax awalba hore u dhici jaray inaanay wasaarada dhalinyarad iyo ciyaaruhu inaanay koobkii HEERKA LABAAD ZERO B da ee sida la sheegay ka bilaabmaya magaalada hargeisa  hore u dhici jiray  inaanu sidii loogu tala galay ku dhamaanayn oo uu baaba’ayo uun sidii kuwii hore oo kale,xitaa waxaa iska cad inaanu haba yaraatee dhaafin wareega hore ee GROUPS ka, wasaarada dhalinyaad iyo ciyaaruhu waatii manta dhalinyarad tahriibaysa ee badaha ku dhamaanaysa ka wakiilka ahayd  ee ka joojin lahayd tahriibta una samayn  lahayd waxyaabo ayku iloobaan tahriibta hadhaysay iyo balwada manta wadankeena sida foosha xun ugu faaftay ee manta haduu wiilka dhalinyarada ahi haduu qof shaxaadayo isagoon wali cunto afka saariin uu leeyahay hebeloow manta qaadka ii qaad.

 

Hadaba arinta is waydiinta le waxa weeyan marka loo eego  dhalinyarada maanta tahriibta ku dhamaatay  maaha dhalinta ciyaarta koobka HEERKA KOOWAAD ZERO A da ee waxa weeyaan dhalinyarada ciyaarta koobka HEERKA LABAAD ZERO B da ama heerkaasi taagan, hadaba waxa weeyaan maxaa keenay in koobkii HEERKA KOOWAAD ZERO A du uu ku bilaabmo sifiican ka dib uu ku dhamaado si fiican, iyadoo waliba ayka qayb galayaan madaxda dowlada ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne siiraanyo  oo ay niyad jab ku noqotay dhalinyarada HEERKA LABAAD ZERO B oo ah iyagu kuwo aan dhagloodhigine la iskana yaraysto iyagoo maanta ah kuwa laf dhabarta u ah wadanka barina noqonaya madaxda wadanka, arinta iswaydiinta le waxa weeyaan maxaa toloow sababay sidaasi, jawaabta dad badan ku jirta ayaa ah in sababtaasi tahay isku dhac inta badan ka imaada kooxaha heerka labaad taasina waxa kaliya ee lagu dhamayn karayaa waxa weeyaan iyadoo xal lahelo marka hore iyo iyadoo lasameeyo shuruudo ad adag  inta aanuu bilaabmin koobku oo koox wal oo ka qayb qaadanaysa koobka loo yeedho loo dhiibo waraaqo ayku qoran  yihiin rules and regulations xeerar iyo qaanuunyo oo lagu yidhaado kooxdii intaasi kasoo bixiwaydaa imikaba ha iska joogto anuu waxaan hubaa oo aan ku kalsoonahay inuu koobkaasi noqonlahaa mid ku dhamaada sidii loogu talo galay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaarahana u noqon lahayd guul wanaagsan oo taariikhi ah  lakin nasiib daro arinkaasi maaha mid dhacaya ama wasaaradu ku dhaqmi karto, waxaan la hadlayaa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo Agaasimahaba  hadaad doonaysaan inaad dhalinyarada wax u tartaan koobkaasi ha dhamaado oo haku dhamaado sidii loogu talagalay hadii kale sidii kuwii hore  wixiinu ha noqdo oo ku fashilma  waxase la sugaaba waa  goortii uu bilaabmi lahaa kuna dhamaan lahaa sidii dhalinyaradu  jeceshahay ama si ay neceb tahay oo ah dhalinyaradii oo niyada loo dhisay oo farxad kusoo galay garoomada intaad cunto hor dhigtaan hadana ka hor qaadaan taasi waxay sii kor dhinaysaa uun tahriibta iyo wadanka oo dhalinyaradu nacdo oo ay ka hayaamaan, midkale waxaan u sheegayaa ganacsatada wadanka ee lacaagtooda ku bixiya wax aan macno lahayn inay dhalinyarad wadanka wax gashadaanka oo ay ka qayb qaataan koobabka HEERKA LABAAD ZERO B da oo kaliya wax kale yaanay siine siiyaan Uniform  dirayska iyo kabaha ay ku ciyaarayaan  iyo baska ay raacayaan maalinta ciyaartu jirto, waxaan umalaynayaa inay intaasi ka badan tahay ciyaartoyda,

axmed410 Ali (axmed410@hotmail.com)