“Waydii waxa aan u ciyaari waayay David Moyes” Shinji Kagawa

0
90

David-Moyes-1876289W.Wararka: Waydii waxa aan u ciyaari waayay Macalinka cusub ee kooxda David Moyes, sidaa waxa yidhi laacibka khadka dhexe ee ku jira Mudaharaadka ee Shinji Kagawa.

Kubad sameeyaha dalka Japan ayaan tan iyo intii uu la wareegay shaqada macalinka Cusub ee United waxa uu ciyaar rasmi ah ciyaaray kulankii Finalka koobka Community Shieldka la yeesheen kooxda Wigan Athletic wax ka yar todoba daqiiqo, isaga oo badel ku soo galay ciyaarta taasoo muujinaysa in xidigani aanuu qayb ka ahayd shaxda macalinka cusub.

Ciyaar yahanka oo kulankii xulkiisa la yeesheen dalka Ghana maalintii Salaasada u dhaliyey mid ka mid ah goolashii ay uga badiyeen ee ahaa 3-1, isaga oo muujiyey kartidiisa ciyaareed iyao inuu xaq u lee yahay in fursad u helo kasoo muuqashadiisa Old Trafford, taasoo keentay su’aal sababta uu moyes uga faaiideysan waayay xirfada ku duugan laacibkan.

Wakaalada wararka APS, oo waraysi la yeelatay xidigan kaga hadlay arintaas iyo kuwo kaleba, waxa uu yidhi “Hadii aad u baahan tahay inaad ogaatid sabata aan u ciyaari waayay waydii macalinka kooxda david Moyes,  inaad ciyaari waydo maaha madax xanuun balse waxaa daran adigoo ciyaaraya inaad gool dhalin waydo, taasaa ah madax anuun runtii inaad si joogto ah u safatid waa wax adag” waxanuu xidigani ku daray intaa oo uu yidhi “Inaad dalkayga wax u qabto goolalna u dhaliyaa waa shaqo wanaagsan, wax ka wanaagsan oo aan samayn lahaana ma granayo”

Kagawa ayaa xagaagii hore United kala soo wareegtay kooxda reer jarmal ee Dortmund 12 Milyan Gini waxaanuu u saftay 26 Ciyaarood.