Real madrid oo ku xod xodanaysa Ronaldo Heshiis ay doonayaan inay ka dhigaan ninka ugu mushaarka badan Kubada Cagta

0
41

imagesW.Wararka: Kooxda Real madrid ayaa wada qorshe ay doonayso inay xidigeeda reer Bortaqiis ee Crsitiano Ronaldo usoo bandhigto heshiis mudo kordhin sadex sanadood ah oo ku eeg dhamaadka sanadka 2018, heshiiskaas oo ku noqon doono Ciyaar yahanka ugu Mushahaarka qaalisan Kubada cagta.

Sidoo kale waxaa lagu soow aramayaa inuu xidigani aqbalay Heshiiska qandaraas kordhinta uuna  diyaar u yahay, waxaana la sugayaa oo kaliya in la saxiixo sidaas waxaa qortay maanta jariirada Madrid ka soo baxda ee AS.

Iyadoo ay jirtay hadal hayn laga sheegayey laacibkan oo doonayey inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Man United, balse dhowr bilood oo ay socdeen wadahadalo qandaraaska loogu cusbooneysiinayo xiddiga reer Portugal ayaa ugu dambayntii midho dhalay isfaham xidiga & kooxdiisa ah.

Sida AS ay qortay wax kaliya ee haray ayaa ah in la dhameystiro waxyaabaha yaryar ee heshiiska cusub ku jira, tasoo la filayo in Gudoomiyaha naadiga Florentino uu heshiiska si rasmi ah ug dhawaaqi doono ka hor 22 Septemper ee sanadkan, iyadoo qandaras ka laacibkan uu kula joogo naadiga ayaa ku eeg dhamaadka sanadka 2015, waxaana la hadal hayey inta uusan dhamaan qandaraaska uu laacibka inuu dib ugu laaban doono kooxdiisii hore.