Xawaaladda WESTERN UNION oo ka hadashay sharciyadeeda Somaliland

0
112

Hargeysa(Waaheen) Agaasimaha Maamulka Xawaaladda Western Union C/karriim Cabdi Aadan oo ku sugan Carriga Ingiriiska oo Waaheen khadka wasternTelefoonka kula soo xidhiidhay ayaa sheegay Xawaladoodu in ay sharci dhamaystiran haysato isla markaana u diiwaangashan tahay Hay’addaha Dawladda ee ay khusayso hawsheedu oo dhan.

C/karriim Cabdi Aadan waxa uu sheegay Xawaaladoodu in ay tahay Golabal Exchange an Money Transfere isla markaan shirkad ahaan Wakiil u yihiin Xawaaladda caanka ah ee Western Union, waxaanu xusay magaca Xawaaladaas ee Somaliland ka shaqeeyaa in uu Sumcad weyn ugu fadhiyo Somaliland, sida Shirkadaha kale ee waaweyn ee Dunida laga aqoonsan yahay ee ay ka mid tahay DHL.

Agaasimaha Maamulka Xawaaladda Global Exchange and Money Transefer/Western Union, waxa uu sheegay keenida Xawaaladan in ay tacab badan ku qaadatay isla markaana marka horeba Somaliland soo dhaweysay, isagoo xusay in ay aka hawl gasho Xawaaladani Baananka Dunida iyo Xawaaladaha waaweynba oo ay Wakiillo ku leedahay.

Agaasimaha Maamulka Xawaaladda Global Exchange and Money Transefer/Western Union, oo ah Mulkiilaha Xawaaladaasi, waxa uu sheegay in ay dhamaan Hay’adaha Dalka ka shaqeeya ee ay arrintani khusayso u bandhigeen sharcinimadeeda haddii ay tahay Baanka, Xeer ilaalinta, Sirdoonka, Ganacsiga iyo Maaliyaddaba, waxaanu xusay in ay ku wada qanceen isagoo uga mahadnaqay wada shaqaynta wanaagsan ee ay leeyihiin.

Agaasimaha Xawaaladda Global Exchange and Money Transefer/Western Union, waxa kale oo uu xusay Somaliland maanta in lagu hayo dagaalo kala duwan oo ay ugu horaysao sidii dhaqaalaha yare e dadku ka helaan Qurbajoogta iyo dadka kaalmeeya looga jari lahaa masaariifta yare e ay haystaan, sidaas darteed looga baahan yahay Xukuumad iyo shacaba in loo soo jeedo sidii looga hortagi lahaa.

C/kariim Cabdi Aadan ugu danbayntii waxa uu Xukuumadda Somalailand ugu baaqay in la kordhiyo dedaalada Dublamaasiyadeed, isla markaana la isku xidhnaado