Semuel eto’oo oo ku dhawaaqay inuu Ka fadhiistay Ciyaaraha Caalamiga ah, maxaase lagu xasuusan doonaa? Waayihiisii Ciyaareed oo Kooban.

0
110

downloadW.Wararka: Kabtanka xulka Qaranka Cameroon Samuel Eto’o ayaa si rasmi
ah ugu dhawaaqay inuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah.
Laacibkan ayaa go’aankaan kama dambeysta ah qaatay kaddib markii ay
soo dhammaatay ciyaartii mar uu xulkiisa la yeesheen xulka Liibiya
ciyaartaas oo 1-0 ay ku badiyeen, iyaga soo dhamaystiray 10ka wadan ee
ciyaari doona ciyaaraha Play off-ska oo ay ka soo bixi doonaan shanta
wadan ee qaarada Afrika u mateli doona Koobka aduunka sanadka soo
socda.
Iscasilaadaan layaabka ah uu Weerar yahanka Eto’o sameeyay ayaa sida
la sheegayo waxay salka ku heysaa arrimo shaqsi ahaaneed oo ku
qasabtay inuu deg deg isku casilo, iyadoo ay jirtay khilaaf hore oo
kala dhaxeeyay Eto’o xidhiidhka kubbada cagta Cameroon.
Inakastoo uu ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay 32 Jirkan reer Cameron
Ciyaaraha Caalamiga ah, hadana waxauu sheegay inuu baaqi ku sii ahaan
doono sii wadida ciyaaraha naadiyada, waxaa uu kamid yahay laacibiinta
xirfadlayaasha ee u dhashay qaarada cagaaran ee heer wanaagsan ka
gaadhay mihnada K/cagta, waxaanuu ka tagay Record ay adkaan doonto in
lagaadho, waxaana lagu xasuusan doonaa taariikhda u sameeyay kooxda
Barcelona isaga oo noqday ciyaar yahankii ugu horeeyay ee shan xili
ciyaareed oo isku xiga u dhaliyey 100 Gool, sidoo kale waa ciyaar
yahankii ugu horeeyay ee koobka dhagaha waaweyn ee loo yaqaano
Champion-ka Qaarada yurub kula guuleystay laba Naadi oo kala duwan oo
kala ah Barcelona & Inter Milan.
Si kasta ha haatee Gool dhaliyihii Samuel eto'o waxaa halkaas ku soo
xidhmaysa safxadiisii ama cutubkiisii taariikheed ee dalkiisa,
waxaanan halkan idinku soo bandhigi doonaa waayihiisii ciyaareed oo
kooban:

Waayihii Nololeed ee Eto'o

Sameul Eto'o waxa uu dhashay Magaalada Luande ee dalka Cameron,
sanadkii 1981, waxa uu ka dhashay qoys isboortis ah, waxaana uu la
dhashay laba wiil oo iyaguna ciyaar yahano ah kuwaas oo kala ah David
& etienne.
Eto'o Aaabihii waxa uu aha Xirfad le ka adag nolosha wiilashiisa,
balse nina ma malaysan karin in mid ka mid ah inamadiisa uu noqon
doono ciyaar yahanka ugu mushahaarka Badan Kubada Cagta Aduunka.
Eto'o isaga oo yar ayuu daris la noqday Shabaga goolka, waxaase inta
taariikhdiisa la hayo si wanaagsan loogu diwaan galiyey Xaruunta
Ciyaaraha Agadimga Magaalada Luanda ee loo yaqaano Kadji Sports
Academy sanadkii 1992 isaga oo 15 Jir ah, Academigaas oo markii dambe
ka iibisay Xaruunta Academiga ee kooxda Real madrid sanadkii 1997,
halkaas oo ahayd salaankii uu ka soo koray waayihiisa Yurub.

Guulaha Xulka Qaranka Cameron:

Laacibkan waxaa loogu yeedhay markiisii ugu horeysay Ciyaaraha
caalamiga ah ee qaranka isaga oo 16 Jir ah sanadkii 1997, kulankaas oo
qaranka Cameron ay la ciyaareen dhigooda Costa Rico, waxaasuu
laacibkani ku guuldaraystay kulankii ugu horeeyay ee uu xidhnaa
funaanada qarankiisa inuu difaaco, waxaase loo xanbaariyey guuldaro
5gool iyo waxba ah.
Waxaase Farxadiisii ugu horeysay uu dhadhamiyey intuu uu Xidhnaa
Funaanada Libaaxyada madow, sanadkii 2000 markaas oo qaranka Cameron
ay ku guuleysteen Bilada dahabka ee Ciyaaraha Kubada cagta Olymbikada
Waxaana halkaas uga bilaabmay casri dahabi ah oo uusan ciyaar yahan
dalkiisa oo kale ah gaadhin, waxa uu kala qayb galay xulka dalkiisa
lix tartan oo ah Tartanka Qaramda Qaarada Afrika, isaga oo ku
hogaamiyey dalkiisa laba jeer inay ku guuleystaan koobkaas sanadihii
200 & 2002.
Waxanuu dalkiisa u jaray sadex jeer Ticket-ka Munaasibada Kubada cagta
Aduunka ugu weyn ee loo yaqaano Koobka Kubada cagta dunida sanadihii
1998 oo lagu qabtay dalka Faransiiska, sanadkii 2002 oo ay wada jir u
marti galiyeen wadamada Japan & South korea iyo sanadkii 2010 oo ahaa
kii ugu horeeyay ee Qaarada Afrika la keeno Taajka Kubada cagta Dunida
oo lagu qabtay dalka South Afrika.
Laacibkani maaha nin kaftamaya ama sahlan Mudadaas 16 sanadood ah ee
uu xidhnaa Funaanada qarankiisa waxa uu saftay marka la isku daro 112
Ciyaarood oo caalami ah, waxanuu u dhaliyey 55 Gool, taasoo ka
dhigaysa ciyaar yahanka ugu sareeya dalkiisa u dhaliya 55 Gool, iyo
sidoo kale halyeeyga sadexaad ee dhanka Kubada cagta marka la eego
xidigaha soo maray Taariikhda K/cagta dalka Cameron oo ay ka horeyaan
xidigaha Roger Miller oo u ciyaarayay dalkiisa sanadihii 1990 yadii &
Kabtankii ugu khatiga dheeraa xulka libaaxyada ee Song.
Sidoo kale Eto'o waxa uu haystaa recordka ciyaar yahanka ugu gool
dhalinta badan tartamada Qaramda Qaarada Africa ee loo yaqaano African
Cup of Nations isaga oo ku hogaaminaya 18 Gool.
Waana ciyaar yahanka kaliya ee ku guuleystay 4 jeer ciyaar yahanka ugu
wanaagsan qaarada, isaga oo ku guuleystay sanadihii 2003, 2004, 2005 &
2010.

Soo Galitaankiisii Qaarada Yurub

Kadji Sports Academy ee dalka Cameron ayaa sanadkii 1997 ka iibisay
Semuel Eto'o Xaruunta Academiga ee kooxda Real madrid halkaas oo ahayd
salaankii uu ka soo koray waayihiisa Yurub... Lasoco cadaka Beri