Milicsiga Shirweynihii UDUB (Feb/2009) iyo Saadaasha Xisbiga KULMIYE (Dis/2013) Qaybta 1aad‏

0
128

siciid gahayrWaa horraantii gu’ga 2009ka waxaana socday abaabulka shirweynaha Xisbigii UDUB oo dib u dhacay xilliyo door ah. Xubno ay ka mid yihiin C/Laahi Xuseen Iimaan (Dirawal), Axmed Sandoon iyo Jawhari ayaa ku dhawaaqay inay tartan ugu jiraan guddoonka UDUB, laakiin lama damacooda lama qiimaynnin wax marti-qaad ah. Kolkii uu kulankayagu dhacayayna waxa ay isku dayeen inay shir kale ku qabsadaan Hargeysa, waa se la hor istaagay! Sidii haad waayay geed ayay heehaabeen. Ugu dambayntii waxa ay la baxeen is-beddeldoonka UDUB.

 

Wasiirro ka tirsan xukuumadduna waxa ay caddeeyeen inay u cumaamadan yihiin Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu. Rag doonayay inuu tartan xalaal ahi dhaco ayaa jiray sida Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada kana soo baxay UDUB, laakiin hal eray lagama guntin. “Yaa la baratami karaya masuul qaranka oo dhan u taliya?” ayay hoosta ka lahaayeen madax markaas xilal ka hayay dawladdu.

 

Marti-sharaftii la casuumay ayaan ku jiray waxaanu shirku ka furmay Maansoor Hotel, 03-Feberwari/2009 maalin Isniin ah. Laba dharaarood annaga ayaa uu hudheelku noo xidhnaa… Iyada oo la celinayo shacabka sida gaarka ah ugu socda Maansoor ayaan arkayay.  Maxaa amniga la adkeeyay, saddex jeer oo kala dambeeya ayaa nalagu baadhay irridda dibadda, albaabka dhismaha iyo kadinka shirweynuhu ku qabsoomayay.

 

Maxaa ergo iyo wakiillo isugu yimi! Guurtida iyo salaaddiinta joogtaa badanaa! Wasiirrada, xildhibaannada, siyaasiyiinta iyo hal-doorka xaadirayna lama koobi karo! Saxaafadda warka qaadaa-dhigta ayaa heegan ahaa, una heelannana tebin hagar la’aaneed. Kumannaan qof ayaannu ahayn, haddii aad indha-sarcaadkaas aragtana waxa aad moodaysay in UDUB haysto taageerada ugu baaxadda weyn. Kollayse daah ma saarrayn dhinaca ay kalsoonida ummaddu u badan tahay!

 

Waxa lagu bilaabay khubado ay jeediyeen Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyeyaasha Gobolladu, nin kastaaba in UDUB kaalinta koowaad kaga jiro gobolkiisa ayuu ku nuuxnuuxsaday. Fannaaniintu waxa ay qaadeen heestii

 

Soomaaliland ulashada eey

Uurkaad daacad uga tahay

Ambaqaadka geeddiga iyo

Saadaashu waa adigee

Udubkiyo dhigtaba hay

Daahirow insha Allah…. Ayaanle, ayaanle

 

Waxa aan fagaaraha ka hadal Xoghayihii Guud ee UDUB Marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale oo wakhti yar ka hor geeriyooday. Hadalladii Daahir uu jeediyay waxa ka mid ahaa bogaadin iyo duco uu u jeediyay labadii Madaxweyne ee uga horreeyay Somaliland, waxa kale oo uu xusay inuu khubaddan lahaa Xoghayaha Geeriyooday.. Warbixin guud oo ku saabsan xaaladdii waddanku kolkaas ku sugnaa ayaa uu daaha ka qaaday.

 

Sidoo kale waxa uu ku faanay inuu ahaa hoggaamiyaha ku dhiirraday in ay doorasho dalka ka dhacdo, oo uu kursigii badka soo dhigay iyada oo ay guurtidu ka codsadeen inay xilka u kordhiyaan. Taasna uu ku gacan-saydhay.

 

Afar meelood ayaa look ala fadhiyay oo kala ahaa:

1. Shirguddoonka, madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo marwada koowaad oo wajahadda ahaa.

2.Wasiirrada, xildhibaannada iyo siyaasiyiinta waaweyn oo isku waageer joogay.

3. Ergada gobollada oo wadar ahaan rug loo asteeyay iyo

4. Marti-sharafta sida guurtida, salaaddiinta, haweenka IWM oo bar loo suntay.

 

Maalin-badhkii ayuu qofba intii Eebbe uga calfay ka cunay hadhimo Xisbigu u diyaariyay xubnihii shirka xaadiray dhammaantood. Ayaantii hore waxa lagu kala dareeray markii la dhegaystay hadal-fagaareedyadaas iyo suugaanta golaha lagu bilay.

 

Aroornimadii shirku xidhmayay ee 04-Feberweri-2009ka maalin Salaasa ah ayaan madashii ku soo kallahay aniga oo rabay inaan muraad ii gooni ahaa u sheego Rashiid Xaaji Cabdillaahi oo ahaa shir-guddoonka kulanka… Waa hiir iyo waaberi hore abbaaro 07:30 ayay goorsheegtu dul-taagnayd, si rasmi ahna waxa loo furi jiray 09:00 barqannimo oo Madaxwenaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku iman jireen.

 

Shaw masuul qariyay inuu murashax yahay ayaa jira!. Aniga oo la hadlaya Guddoomiyii shirka ayaa waxa nala soo istaagay Md Ismaaciil Aadan Cismaan oo faylal iyo dokumentiyo gacanta ku sida. Judhiiba waxa uu bilaabay inuu guddoomiyaha la hadlo isaga oo hab wax loo fahmo u dhigayay weedhiisa, waan ka yara fogaaday maadaama oo ay arrin shakhsi ah wada gorfenayeen.

 

Waxa aan arkayay inaanu shirguddoonku dhegta u raaricin kelmadaha loo sheegayo, taas beddelkeeda waxa uu foogganaa inuu innamada Xafiiska ku yidhaahdo “Haddii wiilkayga magacaas lihi idiin yimaaddo, waxa aad siisaan furaha qolka”. Muxuu odaygu diiddan yahay? Waa maxay habdhaqankan aan ixtiraamka lahayni?. Sawkii Ismaaciil ahaa nin la qaddariyo? Yaab! Muddo kaddib ayaan fahmi doonaa abbaarta uu Ismaaciil-yare u gol-lahaa.

 

Aqoon isuma aannu lahayn shirguddoonka, arrinkayga oo madaxtooyada ku socdayna wuu ka gaabsanayay “Anigu shirkan ayaan guddoomiye ka ahay, wasiirna ma rabo ee la hadal wasiirrada” ayuu yidhi .Waxaa is-fahamkayaga fududeeyay Marxuum Qaasin Sheekh Yuusuf iyo Md Siciid Sulub Maxamed oo yidhi “adiga ayaa shirka haysta’e, inanka u dhammee hawshiisa”. “Ma sidaas ayaad tidhi wasiir? Haye iyo guddoon” ayuu ku jawaabay.. Intaas wuxu raaciyay “ii kaalay marka ay madaxda dalku yimaaddaan, adiga ayaa dhambaalkaaga gudbin doona”. “Hawraarsan” ayaan kaga dhaqaaqay. Malaha xaajooyin ii gaar ahaa ayaan ku tiigaalay?

 

Kolkii uu shirku si rasmi ah u furmay waxa la bilaabay ansixinta xeerka UDUB oo qodobbo ka mid ah la soo beddelay. Sharciga waxa lagu daray “Haddii ay Madaxweynaha iyo ku-xigeenku Xisbiga guul ugu soo hooyaan doorashada hore, lagulama tartamayo xisbiga dhexdiisa doorka labaad. Iyaga ayaana noqonaya murashaxiinta UDUB”. Si degdeg ayaa loo akhriyay qaanuunkaas, markiibana waxa la raaciyay codayn dhakhso ah.

 

“Yaa oggol? Yaa diiddan? Yaa ka aamusay?” ayaa darandoorri na loogu horay. “Haa, waanu ansixinnay, wuu fiican yahay” iyo hadallo la mid ah ayaa la yidhi markiibana waxa gacanta loo taagay inuu dhaqan-gal yahay. Durduur iyo rakaadba inuu meelmar yahay ayaa bidix iyo midigba loo taagay. Yaa mucaaridi karaba! Goobta waxa fadhiya wakiillo dhego-nugul, muddo la soo xulayay, la baadhay oo amar dawla mudeec ninka diida dabbaal lagu qulaamiyay. Waxa loo kacay in la gacan-qaado Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa… Aniguna waan dhex raacay, malaha dharaartii qudha ee aan si toos ah u bariidiyana way ahay.

 

Intii codayntu socotay ee aan qalinka lagu duugin dib-u-doorashada Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa waxa istaagay Ismaaciil Aadan Cismaan oo u dhaqaaqay dhinaca shirguddoonka oo uu waaberigii horena hankiisa u sheegay. Judhiiba askari loo darbay celintiisa ayaa u diiday inuu dhinaca guddoonka iyo cod-baahiyaha u gudbo. Dhankuu u dhaqaaqaba waa la horjoogsaday.. Ismaaciil wuu hadlayay, askariguna aamus ayuu kolba xagal ugu raacaa.

 

Siciid Maxamuud Gahayr “Hargeysaawi)
Facebook: Saeed Mohamoud Gahair
saedmgahair@hotmail.com