Sheeko gaaban:Qalinjebin qiimo beeshay, Qalinkii: Muhumed Mohamed Muhumed (Khadar)

0
93

qalinWaagii baryaaba waayihiisa le, dhacdo waliba xusuusteeda gaarahaaneed. Sida caadada ah waxa la arki jiray qofku in uu ku farxo marka uu marxalad ka gudbayo, isaga oo aad u naawilaya islamarkaana sugibakari la’ tan cusub ee xiisaheeda iyo xaaladaheeda gaarka ah wadata. Waa qof darajo ka dallacay oo mid kale u dalacay, waa qof biriij ka talaabay oo qar kale u talaabay, waa qof daaha ka qaaday adduunyo markii hore uu ka indhola’aa oo ka dednayd, waa nolol bilaabantay iyo mid kale oo idlaatay. Isku soo wada xooriyoo waa marxalad cusub oo wax badan oo cusub xambaarsan kuna xardhanyihiin.Oo marxaladuhu way badanyihiine tani ma mid gaaraa, ma mid aan hore looga gudbi jirin baa, ma albaab cusub oo hadda la furaa, mise waa mid marxaladaha kale wax dheer waxna dhaafsiisan? Cajiib!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! goorsheegtu waa abbaaro sagaalkii fiidnimo, waa bisha sagaalaad ee sebtembar, waa bil xagaagu dabayaaqo yahay, amma uu idlaadayba. Bishani waxa ay caankutahay in ay xidhmaan sannaddugsiyeedyada goobaha waxbarashadu, waa bisha la qabto xafladaha qalinjebinta eejaamacadaha iyo wixii la halmaala. Aniga laftaydu waxa aan ku jiraa dadka isku diyaarinaya xafladda qalinjebinta ee jaamacadda, lakin taydi weli wakhti baa kahadhay. Waxa aan ku jiraa goob lagu iibiyo kabaha, oo waxa aan ka iibsanayey kabihii aan u xidhan lahaa suudhka aan ku qalinjebinayo, waxaana iweheliya laba nin oo aannu asxaab nahay; Mubaarik iyo Maxamed. Gari laba nin kama wada qosliso e, intii uu noo socday gorgortanka qiimaha kabuhu saddexdayada oo dhinac ah iyo dhowr nin oo meherada joogay oo dhinaca, waxa mar keliya meheraddii daf soo yidhi hadalkiina naga dhex galay laba nin oo dhalinyaro ah. Waa laba nin oo labaduba ku labisan suudh madaw, midi xataa tay buu xidhanyahay midina ma xidhna. Mid waa kayara madax fiiqanyahay ka kale, casaana yarxigaa, halka uu ka kalena maarriin kayahay, waxaana uu midkood laalaadinayaa bac buluug ah. Illeyn wax kasta male gooni ah ayaad ka qaadataaye mid ka mid ah wiilashii goobta ka shaqaynayey ayaa markii uu labiskii arkay waxa uu ku yidhi “soo socda caruusyada maxaan keenaa, ma kabihii suudhka mise…..” intii aanay kelmadba soo celin waxa hadalkii qaatay wiil kale oo ka mid ah kuwii goobta ka shaqaynayey “waar nimanku waa arday” garo oo dadka meesha jooga indhahoodu waxay ku maqanyihiin labada wiil ee meesha soo galay. Halkaa marka ay marayso wiilashii ayaa hadalka qaatay lakin lama filaan ayey noqdeen kelmadihii ay ku tiraabeen “ waar ardaybaanu nahaye buumo (kabihii kubadda) ma haysaa?” wiilkii meesha ka shaqaynayey ayaa ku celiyay “caadi iila hadla oo maxaan keena saaxiib” halkaa marka ay marayso waxa bilaabantay sheekadan:

Wiilashii: saaxiib kuguma ciyaarayno ee waxaannu doonaynaa kabihii kubadda bacdana waxa aannu ku sidanaa kubad. Mid nagamida ayaa su’aalay “oo suudhkanina muxuu ahaa” wiilashii ayaa ku war celiyay “niyow shalay ayaannu jaamacaddii ka qalinjebinay” weydiin “oo niyow kubadda maxaad ku falaysaan” warcelin “oo saaxiib haddaa qalinjabinee maxaan qabannaa” …………. Yaab, amakaag, fajac, anfariir iyo af kalaqaad, show dalku waa mid lagu ba’ay. Ma meesha dadkii shahaadooyinka sare qaatay ay boodhka dib u walaaqanayaan. Oo kubaddu mabaxumee laakiin waa goormadee. Kuwanise malahayga waabay fiicanyihiin mar haddii aanay saxaraha iyo badda u badheedhin oo aan laydhka yurub u bidhaamin, mar haddaanay qaad, qayilaad iyo qaadiro dib u bilaabin. Dooddii ayaa sii socotay waxaana wiilashii la weydiiyay “oo madaxweynihii waakii idinkala soo qayb galaye muxuu idin yidhi?” warcelintoodi waxa ay noqotay “dee intii uu awalba odhan jiray, waxbarashada halkaa kasii wada bilow baad taagantihiin” Mubaarik baa hadalkii qaatay oo kutiraabay “ niyow wakhtigan waxa aan ugu necebahay in aan maqlo kelmaddan, madaxweyne iyo maamul, wasiir iyo waalid, qofkastaa wuxuu ku odhanayaa waxbarashada halkaa kasii wada, maxaannu sii wadnaa, tolow yaa u sheega intan sida anu ku soo wadnay. Wiilashii waxa ay ka huleelleen meeshii iyaga oo aan gadan kabihii ay rabeen oo goobta aan oollin. Haddaba waa suaale sannnad walba waxa soo qalinjebiya 2000 ilaa 3000 oo arday wax ka horreeyaana ma jiraan, ma garbaa in jidkan la sii hayo mise waa in si kale looga wareego?

baadilmm@gmail.com