Mahadhooyinka Kacdoonadii q:21aad

0
45

mahadooyinkaXasilooni daro kasta oo ku timaada dhaqaalahu waa waxyaabaha ugu muhiimsan dawladaha guga carbeed, dhibaatooyin dhinacyo badan leh baanay keeni karaan sida Shaqo la aan soo foodsaarta dhalinyarada, musuqmaasuqa oo xadhkaha goosta, iyo kala tagsanaanta gudaha.

Raadka Dhaqaale ee Guga Carabta

Arinta ku tacaluqda xaga dhaqaalaha wuxu ku doodayaa Dr Giel Felr sababaha dhaqaale ee ay la yimaadeen guga carabtu waxaanu ku xadidayaa waji shabaha ka shucuubta carbeed, iyo daah ka qaadida waxyaabaha la wadaago ee sababay in ay ka kacaan kacaanadani : xoolihii umada oo la tahriibiyay iyo ahmiyada uu leeyahay dalxiisku, kana waa ka lagu fasiri karo in ay ku kala duwan yihiin khilaafaadka natiijooyinka ka soo bixi kara kacdoonadan, isaga oo ku tagsan in xasilooni la aantu dhaqaale ay tahay ta ugu muhiimsan dawladaha guga carbeed, marka dhawr dhinac laga eego oo caqabado noqon kara waxaana ka mid ah sidaynu hore u soo tilmaanay Shaqo la’aanta dhalinyarada, iyo musuqmaasuqa oo si daran u faafa iyo arimaha gudaha oo lagu heshiin waayo waxaanu u cuskanayaa duruufaha ay hadba keenaan dhaqaaluha xumadu  iyo sida loo jaan ama sar gooyo arimaha mustaqbalka.

Wuxu diirada saarayaa Professor Shamoel Sandlr oo ah dhiinka kuliyada arimaha bulshada ee jaamacada Parielan ahna macalinka iskuulka jinsiyada yuhuudiyada ee ku taala New York ee cariga Maraykanka waxyaabaha ay la iman karaan ama laga fili karo guga carbtu ugana iman kara Israel isaga oo ku sifeeyay ama ku macneeyay Dhulgariir goboleed oo raad ku yeelan kara siyaasadaha gudaha iyo kuwa dibada ee dawladda Israel, waxaanu cuskanayaa aragti taxliil ku salaysan taasi oo ay keeni karto kacdoonada shacbigu isaga oo ku eegaya waynayso ay hagayso aragtida guga carabtu rayi caamka Israel isaga oo iftiiminaya in xukuumada Israel ee uu hogaaminayo Binyamen Netanyaho ay kula dhaqantay kacoonada guga carabta sida qof ku dabaashay bad aan daganayn ee bariga dhexe marka loo eego duruufaha aan fadhiyin ee gudaha iyo dibada ka taagan.

 

Waana arinta sida oo kale uu ku tagay Tifaftiraha kitaabku, Prof. Afraim Gambar kaasi oo ku macneeyay isku dhaf aasaasiya oo macno badan xambaarsan oo guga carabtu uu ku keeni karo amniga guud ee dawlada Israel, wuxu ku matalay in la daciifiyo dawladaha Israel la xulafada ah, is bad badalka quwadaha ku loolamaya mandaqada ee aan Israel dantu ugu jirin iyo ka bixida uu maraykanku kaboxo mandaqada guud ahaanba.

 

Waxa kale oo uu awooda saarayaa cabsida cusub ee khatartu kaga iman karto amniga Israel, oo ay ka mid tahay arimaha ka sii daraya ee xambaarsan khataraha dagdaga ah ee arimaha lama filaanka ah ee sida istraatiijiga ah u dhacaya, iyo fikradaha hubaysan ee sii siyaadaya ee colaada Israel hadhaysay, iyo hoos udhaca difaaca amniga, iyo go,doominta goboleed ee sii siyaadaysa, iyo khataraha ka soo socda hubka Nuknier ka ee Iiraan, isaga oo ku taliyay dhawr qodob oo Israel kaga hor tagi karto khatarahan, waxaana ka mid ah in la balaadhiyo awooda ciidamada Israel, iyo in aad loo maalgaliyo cilmi baadhista iyo horumarka, iyo samaynta xuduud la difaaci karo , iyo samaynta xulafo cusub oo gobolka ah iyo in ay ilaashato cilaaqaadka gaarka ah ee ay la leedahay dawlada Maraykanka.

 

 

La soco…..