Madaxweynaha Somaliland oo Dhagax Dhigay Dhismeyaal Cusub oo loo Dhisayo Wasarada Boosaha iyo Laabareeri.(HALKAN KA DHEGEYSO)

0
117

halkan ka dhagayso: Dhagax dhigii Madaxweyne Siilaanyo ee Wasarada Boosaha iyo Library-ga

 

P1020719Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siillanyo ayaa Maanta Dhagax dhigay Dhismayaal Cusub oo ay Yeelanyso  Wasarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Laabareeri Cusub oo ah nooca Wax lagu akhristo, madaxweynaha ayaa Waxa kuwahelinayey dhagaxdhigaasi wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Warfaafinta, wasiirka Qorshaynta qaranka iyo Wasiirka waxbarashada.

Madaxweynaha Ayaa ugu horeyan dhagax dhigay Dhismaha Cusub ee loo dhisayo wasarada Boosaha iyo isgaadhsinta waxaanu sheegay in aad ugu farax san yahay in wasarada loo dhiso dhisme Cusub oo muddo dheer ku jirtay dhismayaashii dawlada ingiriisku u dhistay somaliland wakhtigii Gumaystaha.

Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Maxmed Abgaal ayaa sheegay in baahi weyn ay u qabeen dhisme cusub, waxaanu madaxweynaha ku aamanay in dhismahaasi ay u dhisaan.

Dhanka kale waxa isna madaxweynuhu dhagax dhigay Labareeri cusub oo waxa lagu akhrisandoono.

P1020720 P1020719 P1020718 P1020704 P1020698 P1020692 P1020694