Hay’adda Horumarinta Wadooyinka(RDA) oo Qandaraasyadii dhismayaasha Wadooyinka siisay Shirkadda China Horn Group

0
217

Hargeysa(Waaheen) Hay’adda Horumarinta wadooyinka (RDA) oo hoos timaada Wasaaradda Madaxtooyadda ayaa dhamaan Qanadaraasyadii dhismaha wadooyinka Dalka siisay Shirkadii dhistay Madaarka hargeysa ee China Horn Group.

chinaWasiirka Wasaaradda madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali X Xasan ayaa jidka Berbera iyo Hargeysa isku xidha shalay ka hadlay isagoo sheegay in ay dhisayaan Toban Kiilo mitir oo Jid cusub ah iyo toban kale oo la buux buuxinayo isla markaana la saarayo Daamur cusub.

Dhismaha Jidkaasi waxa uu Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland siiyay Shirkadda China Horn Group oo ah shirkadii dhistay Madaarka Hargeysa isla markaana waa Shirkadda kali ah ee haysata qalab dhamaystiran oo ka soo dhalaali karta hawsha la siiyay sida uu Wasiir Xirsiba cadeeyay.

Sida lagu baahiyay Barta ay shirkadda China Horn Group ku leedahay  waxa ay fulinaysaa dhamaan Qandaraasyada Jidadka Dalka laga dhisayo waxaanay u kala hor maraianaysaa sidan:-

Our Project Categories

Airport Runway Egal InternationalAirport, We have now completed egal international airport run way. Hargeisa Main Road In few days, we have successfully and professionally completed hargeisa main road. Berbara – Hargeisa Road It is our current plan to rebuild berbera – hargeisa road. Burao – Erigavo Road, Burao – Erigavo Road is in our immediate plan. Burao – Odweyne Road will increase our economy. Berbera Airport Runway, Berbera Airport Runway is the largest run-way in east africa.

Qandaraasyadan ayay shirkadda China Horn Group fulinaysaa iyada oo aanay cidina kula tar-tamin maadaama Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyadda qaranku ku maqan yahay Qalabka ay Xukuumaddu u baahan tahay in ay ku fuliso wadooyinka Dalka.