Xukuumadda oo Berbera ku xidhay Caaqil laba beelood Caleemo saarteen

0
59

Waxa la xidhan afar Oday oo ka mid ah labada beelood ee Caleemo saartay

berberaBerbera(Waaheen)  Booliiska Gobolka Saaxil ayaa Lix cisho ka hor xabsiga Berbera u taxaabay Caaqil Daa’uud Cabdi Jaamac iyaga oo aan ilaa hada cadaynin sababta xadhigiisa marka laga reebo sida ay ku doodayaan dadka la xidhani in lagu khasbayo in ay ka noqdaan Caleemo saarkiisa.

Caaqil Daa’uud Cabdi Jaamac waxa ku bahoobay Caleemo saarkiisa labada Beelood ee Qolonbi Cigaal iyo xuseen Cigaal ee Reer Iidle, waxaanay toddobaadkii hore ku Caleemo saareen Dooxada Carro-weyne la yidhaahdo ee Degmadda Madheera, halkaas oo ay Booliisku ka soo xidheen iyaga oo ku sugan.

Dadka ay Booliisku xidheen waxa ay kala yihiin Caaqil daa’uud Cabdi Jaamac, Axmed Jaamac Cabdi, Maxamed Geesood Axmed Jaamac Siciid Cali iyo Yuusuf Geesood Axmed, waxaanay maxkamad la’aan ku jiraan saldhiga Booliiska Berbera.

Mid ka mid ah shanta Oday ee xidhan ayaa Waaheen la soo xidhiidhay waxaanu sheegay in Booliis aanay garanayn meel ay ka yimaadeen iyho cid ku soo dirtay toona ay isku weer ka qabteen markii ay Caleemo saareen Caaqilka, loona dhaadhiciyay Berbera.

“ waxaanu Saldhiga anagoo shan qof ah oo Caaqilkii aanu caleemo saarnay ku jiraa ku xidhanahay sabab la’aan saldhiga Berbera, cid wax na weydiisay ma jirto, Badhasaabka iyo Madaxda Gobolka intaba cid baanu u dirsanay laakiin illaa hada wax jawaab ah kamay hayno”

“ anagu waxaanu ka soo jeednaa laba Beelood oo is-gaashaan buuraystay oo Reer Iidle ah Caaqil baanu samaysanay wax kale oo aanu samaynay ma jirto, Caaqilkana xaq baanu u leenahay, bal Xukuumaddu ha cadayso waxay nagau soo xidhatay” ayuu yidhi mid ka mid ah shanta Oday