Wasiir Xirsi X Cali wuxu golaha wakiilada ka akhriyay khubadii Madaxweyne Siilaanayo awooda u laha inu akhriyo‏

0
98
Anigoo ah muwaadin somalilander ah oo inta badan kasoo horjeeda islamarkan an rumeysan eedaha faraha badan ee warbaahinta laguso qoro ee lagu durayo wasiirka madaxtooyada  mudane Xirsi X Cali.
Haddaba maanta waxan ogaaday in waxbadani ka jiraan eedeymahaasi lagu durayo wasiir Xirsi, runtii mudo badan ayaan aha dadka dhagaha ka fursta eedeymahaasi Xirsi Saxaafada iyo Warbaahinta loo marinayo.

Markii an dhageystay warbixintii shalay uu golaha wakiilada hortooda uu ka hor aakhriyay waxa igu dhalatey inaan holado qoraalkan gaaban runtii ma jecli inaan been iyo malawaal ka sheego wasiir Xirsi waxan ku kooban doona oo naqdiyo doona warbixintii u siiyaay golaha wakiilada shalay oo runtii an u arkay mid anu awood sharci u laheyn inu golayaasha sharci dajinta khubad noocaas ah golaha wakiilada hortooda kaso jeediyo ,  mudane Xirsi wuxu aakhriya khudbadii uu madaxweynuhu aakhriy laha wuxu ka sheekeyay waxqabadkii xukuumada wuxu si badheedh ah uga waramay wasaarado badan oo an isaga loo igman oo ay joogan wasiiradii wasaaradahaasi horjoogayaashii ama wasiiradii wasaaradahaasi, muu odhan madaxweynihii ba isoo igmaday iyo wasiiradii wasaaradahaasi, si kalsooni ah ayu u isticmaalay awoodi madaxweynaha isagoo an la soo igman taasina wa mid an loo baahneyn inu wu Wasiir xirsi sharafta iyo karaamada madaxweynaha sidaasi u isticmaalo oo u dhulka jiido madaxweynihi qaranka oo awoodi kara inu hor yimaado golayaashan qaran warbixin siiyo.

Waxan arki jiray sidii caadadu ahaan jirtey wasiir yidhaahda waxaan ka hadalaya uun wasaaradeyda iyo wixi wasaaradeyda khuseya, Wasiir Xirsi wasaarad u dhaafay ma jirto mid anu ka waramin ma jirto taasin wa ayaan darada maamul ee ina heysata, mudane Xirsi wa wasiir wasiirada dawlada ka mid ah oo wasaarad xukuma oo ka hadali kara wasaaradiisun maaha inu wasaarado kale ka hadalo waxqbadkooda, awoodaasi waxa leh madaxweynaha qaranka ee la doortey ba leh inu khubadii shalay oo kale aakhriyo

Runtii waxbadanbaan dhagaha ka fursan jiray lkn maanta waan u dhaga nuglaan doona wararka laga sheegayo wasiir Xirsi X Cali oo inta badan xaqiiq u dhawo maadaama an arkay habdhaqankiisi baan, waxan leeyahay wasiir Xirsi mudane cabashooyinka badan e jira iyo habdhaqankaaga ba wax ka badal aha noqon DIIRIYE ha u dhaqmin sidii Gaani Iyo Morgan, u dhaqmi jiireen, sidii wasiir caadiha oo wasiirada ka mid ah JSLand wasiir ka ah noqon, ha ka jawaabin wasaaradaha kali iyo waxqabadkooda kuwaasi waxa loo igmaday wasiiro ad gudboontihiin oo arimaha wasaaradahaasi laga wareysan karo

Wa bilaahi Tawfiq
Omar Darood Hassan
Norway