dhinacee buu ka socon la’yahay Qoddobkii hawada ee Somaliland iyo Somaliya ku Heshiiyeen

0
33

Wadahadaladii ugu danbeeyay ee ay Somaliland iyo Somaliya ku wada yeesheen Dalka Turkiga waxa la isla qaatay oo ka soo baxay waxa uu ahaa Hal qoddob oo ku saabsanaa in labada Dal Somaliland iyo Somaliya wada maamulaan Duulimaadyada Hawada labada Dal, isla markaana ay samaystaan guddi wada jir ah oo xaruntoodu noqoto Hargeysa.

Hadaba sida uu Wasiirka madaxtooyadda Somaliland Golaha Wakiiladda hortooda ka sheegay qudbadii uu ka jeediyay waxa hadhay mudadii shirka danbe loo balansanaa oo afar bilood ahayd laba bilood oo kaliya, ilaa hadana ma muuqato talaabo cad oo ay labada Dal ka wada yeesheen qoddobkii ay ku soo heshiyeen.

Qoddobka Maamulka Hawada Somaliya iyo Somaliland ee lagu heshiiyay bilowgiiba waxa soo if-baxay labada dhinacba in ay gaarkoodka isku macaash siiyeen oo mid walbaaba gaarkiisa u guntaday in ay guul isaga u tahay, wallow markiiba dhinaca Muqdisho ku dhawaaqeen in maamulka hawada Somaliya gacantooda aanu ka baxayn isla markaana ay qaramada Midoobay kala wareegayaan wixii ay hore gacanta ugu haysay.

Hase yeeshee hadana sida uu heshiisku dhigayay waxa ay ahayd labada dhinacba in ay soo magacaabaan labadii Guddi ee hawshaas ka wada shaqayn lahaa, balse taas ilaa hada dhinacna kamay suurtogelin, sida muuqatana waxa ay ku dhawdahay in ay dhicisawday maadaama midkoodna aanu u dhaqaaqin.

Inkasta oo aan la hubin labada dhinac dhinaca ay ka xagal daaci doono fulinta qoddobkani hadana dhinaca Somaliland marka loo eego Guddidii Wasiiradda ahaa ee hawshaas u xil saarnaa waxa la sheegayaa in aanay u dhaqaaqin, isla markaana aanay Xukuumaddu guud ahaanteed aanay wali qorshe ka yeelan, iyadoo kii kalena ku soo fool leeyahay.

Si kasta ha ahaatee Xukuumadda Somaliland waxa la gudboon maadaama Somaliya ku doodayso in aanay waxba ka maqnayn oo maamulkii Hawada ee hore UN-tu gacanta ugu haysay iyada lagu wareejinayo in ay Somaliland dhinaceeda ka diyaarsato wax kasta oo ay ku raadsanayso xuquuqda ay ku leedahay Somaliya iyo wadahadalada Beesha Caalamku u furtay labadaba.