Mahadhooyinka Kacdoonadii, Q: 20aad

0
72

Maraykanka iyo Guga Carabta

mahadooyinka Isaga oo tafaasiil dheeraad ah ka bixinaya wuxu yidhi Professor EItan Galbuc oo ah khabiir ku xeel dheer arimaha Maraykanka, ahna madaxa Dugsiga isgaadhsiinta, daraasad uu ku lafa gurayo kuna naqdinayo siyaasadaha Maraykanka ee ku waajahan kacdoonada ka oogmay qaar ka mid ah dawladaha carbeed ee muhiimka ah kana mid yihiin, Masar, Yemen,Bahrain, Libya iyo Syria, waxaadka helaysaa Maraykanka hadaladooda iyo dhaqanadoodaba gol daloolooyin waawayn, iyada oo sidoo kale uu ku jiro is ka hor imaad yo waawayn, haday doonto duruuftu isku mid ahba ha noqotee, waxa kale oo ay keenaan culaysyo diblamaasiyadeed iyo siyaasadeedba oo culus, iyo faro galin milatari.

Waxaanu u arkaa Professor ku in hadaladaa is burinayaa ay ku keeni karaan Qiimaha Maraykanka ee uu ku leeyahay bariga dhexe dhibaato wayn, sababta oo ah waxyaabaha soo baxaya ee muujinaya sida uu uga cagojiidayo soo bandhigida arigtidiisa rasmiga ah ee ku saabsan u guurida ay dawladaha carbeed u guurayaan dhinaca Dimuqraadiyada kana hayaamayaan dariiqa kali talisnimadda iyo cadaadiska ku dhisan ee mandaqada hadheeyay.

Amad Aliskandar Blai. Ayaa isna ka waramaya ka maqnaanshaha Qadiyada Falastiin ee kacdoonada carbeed, iyada oo ay tiro badan oo wadanada bariga dhexe iyo woqooyiga Africa halgan kula jiraan nidaamyada gaboobay ama qadiimiga ah, qaarkoodna ay dhex dabaasheenba dagaalo sokeeye oo dhiig badani ku daatay, deegaanada Falastiiniyiintu wax mucaaradad ah kalamay hor iman madaxdooda haatan, ha noqoto madaxdaasi kuwa ka taliya daanta galbeed , ama xukuumada Xamaas ee ka talisa jiida Qaza, waxaanay ku jiraan siyaasada sug oo eeg taasi oo ay Falasiiniyiintu ku soo socdeen mudo dheer oo taariikhdooda ka mid ah, iyaga oo rajaynaya in aan waaqaca taagani u saamaxayn in ay sidan sii ahaadaan , inkasta oo ay xamaas ay haysato fursado ay ku gaadhi karto talada dalka, kuna qabsan karto iyada oo isku kalsoon.

Dhibaadtada Amaanka

Dr. Bocas Ganoor oo ah khabiir ku talaxtagay arimaha kooxaha hubaysan, ahna Maareeyaha machadka ladagaalanka argagaxisada, xarunta daraasaadka takhasusaadka kala duwn ee ku taala Behartslia, wuxu ku iftiiminayaa waxa uu ugu yeedhay Isbad-badalka Kownka kagana waramay in wadamada cabdeed caqbad xaga amaanka ah ku hayaan ama kaga iman karto dawlada Israel iyo kuwa kale ee reer galbeedka ah ee la xulafada ahba. Isaga oo ku salaynaya mushkiladaha Amni ee kacdoonadani ay la iman karaan, isaga oo diirada saaraya sida ay u saamayn karaan Israel loolanada ka dhex qarxi kara kooxaha is badal doonka ah ee cusub kuwaas oo khatar Amaan usoo jiidi kara marka laga eego dhawr dhinac.

Ka koowaad oo ah: ka mudada gaaban, xasilooni la aan kasta oo ku timaada xukuumadaha carbeed waxay sahli kartaa in si fudud weeraro ugaga yimaadaan xuduudaha Israel.

Ka labaadna waa: Mudada dhex-dhexaadka ah, waxay ku xidhnaanaysaa xukuumadaha cusub marka laga eego xaga madaxdooda kooxaha hubaysan taasi oo keeni karta dagaal milatari oo ku yimaada Israel.

Ka sadexaad na waa: Mudada Fog ama dheer ,hadii ay abuur maan kooxo islaamiyiin ah oo cusubi caalamka islaamkana qabsadaan taasina waxay horseedi kartaa abuuritaanka ay abuurmaan kooxo  cusub oo jihaadiyiin ah, waxaana khatar wayni uga iman kartaa dawladda Israel.

Xasilooni daro kasta oo ku timaada dhaqaalahu waa waxyaabaha ugu muhiimsan dawladaha guga carbeed, dhibaatooyin dhinacyo badan leh baanay keeni karaan sida Shaqo la aan soo foodsaarta dhalinyarada, musuqmaasuqa oo xadhkaha goosta, iyo kala tagsanaanta gudaha.

 

La soco…..