Ozil: “waxaan uga tagay Madrid markii aan waayay Kalsoonida Tababaraha”

0
377
ozil11

W.Wararka: Laacibka Kubad Qaabeeyaha ah ee Mesut Ozil ee isaga tagay
maalintii ugu dambeysey ee uu furnaa Suuqa Laacibiinta kooxda Real
Madrid islamarkaana ku biiray Kooxda Arsenal ee dalka Ingiriiska,
sidaa darteed waxaa dad badani iswaydiiyey sababta dhalisay go’aanka
degdega ah ee ciyaar yahankani uga huleelay kooxdiisii hore, waxaana
Shalay markii ugu horeysay ciyaaryahanka laftiisu ka hadlay sababta
dhabta ee ku kaliftay inuu ka tago kooxda.
Laacibka heerka Caalamiga ah ee Dalka Jarmalka ayaa boga Twiter kala
hadlayay Tageerayaasha Kooxda Madrid, waxa uu yidhi waxaan kooxda uga
tagay markaan ogaaday inaanan haysan kalsoonida tababare Carlo
Ancelotti, ayaan gaadhay Goaa’nkan.
Mushkiladda Ancelotti & ozil ayaa bilaabantay, kulankii todobaadkii
hore Madrid ay la yeelatay kooxda Granada, taas oo Macalinku doorbiday
inuu badelo Ozil, waxanaa la arkayey Ozil oo ka cadhooday badelka
Macalinka, tasoo Markii ciyaartu dhamaatay Macalinak oo Ficilka Ozil
wax laga waydiiyey ku tilmaamay inuusan dhagaysan ciyaa ryahan
Cadhooda.
Qoraalka Twitterka laacibku soo dhigay ayuu ku yidhi ““Hubaal ayay ii
aheyd inaan sii joogayo Real Madrid, ka dib waxaan ogaaday inaan
heysan kalsoonida tababaraaha iyo iyo madaxda kooxda, waxaan ahay
ciyaaryahan u baahan kalsoonidaas, waxaan taas ku arkay inaan ka
helayo Arsenal, waana sababta aan halkaas u tagayo”
Kooxda Arsenal ee Premier League ka dhisan ayaa dhigatay Record cusub
oo suuqa kala iibsiga ka dib markii ay Ozil ka bixisay 50 Milyan oo
Euro.