Madaxwaynaha Bolivia oo Wacdaro ka Dhigay Tartan Baaskiilado ah

0
135

dfdfMadaxweynaha Bolivia Ivo Moralis ayaa jaray masaafad gaadhsysa 20 Kiilomitir isagoo ku ordaya Baaskiilad, si uu uga qayb qaato Munaasabad loo qabanayay Maalinta Dadka Lugta ku socda ee dalkiisa.

Wasaaradda Warfaafinta ee Dalkaas ayaa Bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in Madaxweyne Ivo Moralis uu horkacay Kolonyo Baaskiilado ah taasi oo ka dhacaysay Deegaanka Kotshabamba ee Badhtamaha Dalkaas.

Madaxweynaha ayaa intii aanu Socdaalkan bilaabin wuxuu Warbaahinta u sheegay inay dhaqan Wadaniyeed tahay in dhamaan Dadku ay Gacan ka geystaan ilaalinta Deegaanka. Isagoo intaas ku daray “ Maanta waxaynu awoodnaa inaynu neefsano Hawadeenan Nadiifta ah, Dhulkuna uu ku raaxaysto”.

Markii Socdaalka uu soo gabagaboobayna, wuxuu Moralis yidhi “ Waxa lagama maarmaan ah in aynu ogaano Isha ay kasoo baxayso inta ugu badan ee Wasakhda ah”. Wuxuuna Madaxweynuhu muujiyay in Dalalka Warshadaha ku hormaray ay yihiin kuwa hormoodka ka ah Hawada Wasakhoobeysa.