Ogeysiis: Sixid Maqaal ku soo baxay Waaheen Media Group

0
107

Sixid: Bahda Waaheen waxa ay Dadweynaha u sheegaysaa Maqaal Cinwaankiisu ahaa Ma qaybi oo xukun ayuu noqday Abaalkii ogeysiiXukuumaddu ee Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa.?, in aanu Qorin Proffessor Maxamed Siciid Gees oo ah Aqoonyahan Reer Somaliland ah, isla markaana bulshada Reer Somaliland Ixtiraam dheeraad ah ka mudan, isagoo xilal kala duwan Qaranka u soo qabtay.

Hadaba Maqaalkan oo si qalad ah ugu soo baxay Warbaahinta kala duwan qaarkood waxa uu ka dhashay qalad ka yimi E-mailka Warbaahinta looga soo diri jiray Maqaaladda taariikhda ah ee uu qoro oo qofka hayaa si qaldan uga soo diray maqaalka kor ku xusan oo uu qoray nin kale oo la yidhaahdo Garyaqaan Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud, jiciir_law99@hotmail.com, Hargeysa – Somaliland, kaasoo uga dan lahaa in ay Saxaafaddu u baahiso marka ay ku aragto in looga soo diray Email-ka Gees Isticmaalo.

Si kasta ha ahaatee Dadweynihii Akhristay iyo Xukuumadda Somaliland-ba waxa ay Bahda Waaheen u cadyanaysaa in aanu Maqaalkaas wax shaqo ah ku lahayn Prooffesor Gees, anaga oo dhinacayagana Raali-gelin ka bixinayna Daabacaadiisa.