Khilaafkii UCID oo cirka isku shareeray iyo labada Garab ee isku haya oo warbaahinta Eedo isu mariyay

0
121

Xaaladda Xisbiga ayaa laga cabsi qabaa in ay gaadho Heer Maxkamadeed sidii hore u dhacday

ucidHargeysa(Waaheen) Khilaaf u dhaxeeya labada Hogaamiye ee Xisbiga Ucid Feysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen ayaa maraysa halkii ugu adkayd, waxaanay masuuliyiin labada dhinac kala taageersani maanta warbaahinta isu mariyeen hadalo mid ba mid ka kale ku duray awoodiisa.

Arrintan ayaa ka dhalatay magacaabis uu Musharaxa Xisba UCID Jamaal Cali Xuseen dhawaan ku dhawaaqay, taasoo uu ku magacaabay Af-hayeen guud oo ku hadli kara Af-ka Xisbiga isagoo sheegay in uu awoodaas leeyahay, hase yeeshee arrintaas waxa maanta daadifeeyay Sarkaal ka tirsan Xisbiga UCID oo xarunta Xisbiga shir jaraa’id ku qabtay.

Shirkaasi Jaraa’id kadib waxa isna hadlay Af-hayeenkii uu Jamaal Cali Xuseen magacaabay, waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka uu Sarkaalkaasi ku durayay Af-hayeenimadiisa isagoo taageeray awooda uu Jamaal ku magacaabay.

Labada Hadal ayay masuuliyiinta Xisbigu ku kala qabsadeen laba meelood iyadoo durtaba ay bilaabantay in la kala xamaan Urursado oo qolana Xarauntii Xisbiga ku fara adaygtay halka qolada kale ee Jamaal-na dibed wareeg ka bilaabeen,.

Si kasta ha ahaatee Khilaafka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ka dhex aloosmay ayaa la saadaalinayaa in uu gaadho heer ah in Maxkamadda Sare ee Distooriga ah la isla galo si kooda roonaada Xisbiga ugu hadho, sidoo hore Feysal iyo C/raxmaan Cirro ugu kala baxeen.