Darawalo Naftooda u Ciqaabay Shaqooyin Laga Eryay

0
83

dirawalSideed ka mid ah Darawalada Gawaarida loo yaqaan Otobisat oo ay leedahay Shirkad Gaadiid oo Paraguay ku taala ayaa waxay ku dhaqaaqeen Tallaabo ay Jirkooda kula dhajiyeen Musmaaro Biro ah iyo Qoryo Alwaaxyo la sameeyay ah, si ay u muujiyaan Carada ay ka qabaan Go’aan uu Maamulka Shirkaddu Shaqada uga joojiyay Darawaladaan.

Waxaa Shaqooyinka laga cayriyay Darawaladan markii ay Maamulka u gudbiyeen Codsi la xiriira in Mushaarka loo kordhiyo.

Wakaaladda Wararka Reuters ayeey Darawaladu u sheegeen inay ku dhaqaaqeen Falkan ay Jirkooda Masaamiirta iyo Alwaaxyada isugula dhajiyeen si ay Codkooda u gaarsiiyaan Dowladda.

Ku dhawaad 15 Maalmood ayeey Darawalada Naftooda dhibaateeyay ka sheeganayeen Xanuunno Gacmaha kasoo gaaray intii ay Masamiirta isku dhajinayeen, waxaana ay iminka ku jiraan Xaalad Caafimaad uu aad u liidata sida Xubno Golaha Odayaasha ee Dalka Paraguay ka tirsani ay sheegeen.