Tikniko iyo Ciidan ka tirsanaa saldhiga Sadexaad ee Gobolka Sanaag oo u Goostay Puntland

0
202

Siyaasiyiintii iyo Ciidan Beeleedkii Fuqi Fuliye oo khilaaf ka dhex taagan yahay

tiknikoHargeysa(Waaheen) Sadex gaadhi oo Tikniko ah iyo Ciidankii saarnaa ee saldhiga Sadexaad ee Gobolka Sanaag ee Somaliland ayaa shalay u galay Maamulka Puntland.

Ilaa hada lama Oga tirade Rasmiga ah ee Ciidanka Somaliland ka tirsanayd ee saarnayd gaadiidkaasi lala goostay, hase yeeshee waxa la sheegayaa in iyaga iyo gaadiidkiiba isku dhiibeen maamulkaas isla markaana si rasmi ah uga baxsadeen Somaliland.

Gaadiidka Tiknikada ah ee ay Ciidankaasi la goosteen ayaa la sheegayaa in ay ka koobnaayeen Gaadhi Qori Brown ahi saaran yahay iyo Mid Dhashiike ah, halka ka kale aan wali la soo bandhigin qoriga saarnaa, waxaana raad caynaya Ciidankaasi Odayaal beeshooda ah oo Hubka iyo gaadiidka qaarkood lahaa intii aan la Qaramayn.

Xukuumadda Somalialand ilaa hada kamay hadal Ciidankaas ka goostay, hase yeeshee waxa caado u noqotay Ciidan Beeleedyada Barriga Sanaag iyo Sool ee la Qarameeyaa in ay kolba dhinac u yaacaan, iyagoo dhinac kasta ka raadinaya dhaqaale ay maalmo quutaan.

Dhinaca kale, siyaasiyiin iyo Saraakiil ka tirsan Ciidan Beeleed dhawaan lagu Qarameeyay degaanka Fiqi Fuliye oo Hargeysa ku sugan ayaa la sheegayaa in uu khilaaf ka dhex taagan tahay, waxaanu Khilaafkoodu salka ku hayaa sida ay Waaheen u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Beeshaasi dano siyaasadeed oo la jaan-qaaday imaanshahooda Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland ayaa Deeq Raashin ah gaadhsiisay Ciidanka Fiqi Fuliye dhawaan lagu qarameeyay, waxaana Raashinkaas loogu dhiibay nin Ganacsade ah oo ay walaalo yihiin Siyaasiga kooxdan qaadhaabanaya.