Golaha Wakiilada Somaliland oo Wax ka bedel ku sameeyey Xeerar uu Madaxweyne Siillanyo ku soo celiyey.

0
92

20121225012835Hargeysa(Waaheen) Fadhigii Golaha wakiilada ee Maanta ayaa Waxa ay Dib u Ansixiyen wax ka bedelna ku sameyeen Xeerar uu madaxweynaha Somaliland uu Dib ugu soo celiyey oo kala ah xeerarka Maamuska Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa iyo Xeerarka Qareenada, Labadaasi heer ayuu madaxweynuhu ka dalbaday in Goluhu ka saaro qodobo ku Jiray.

Fadhigaasi oo uu shirguddominayey Guddomiayaha Golaha wakiilada Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu Dib ugu soo celiyey Labba xeer oo hore ay u ansixiyen oo kala ah Xeerka Maamuska Madaxweynaha iyo ku-xigeenkii iyo Xeerka Qareenada waxaanu Xildhibaanad ka dalbaday in ay Cod u qaadan.

Ugu horeyn Xeerka Maamuska Madaxweynaha oo Cod loo qaday ayaa waxa in laga saaro qodob ku jiray ogolaaday 42 Xildhibaan waxana diiday 5Xildhibaan Waxaana ka aamusay 4Xildhibaan.

Dhanka kale xeerarka Qareenad oo isaguna dood weyn ka dhex abuuray Golaha wakiilada ayaa gabogabadii w axay cod u qaadeen waxana u codyey in qodob ku jiray laga saaro 21Xildhibaan Halka ay ka diideen 9Xildhiban waxana ka aamusay 13Xildhibaan Guddomiyuhuna muu codeynin