Arsenal oo heshay Maalintii ugu dambeysey ee Suuqa laacibiinta, Xidigo ay si weyn ugu raad joogtay ee ka mid yihiin Ozil & Vivaino

0
58

Maalintii ugu dambeysay ee suuqaW.Wararka: Tababaraha Kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa saacadihii ugu
dambeysay ee Maalintii kala Guurka ee albaabada loo laabayey Suuqa
Ciyaar yahanada, ayaa kaga dhabeeyay balanqaadkii u sameeyay
taaageerayaasha kooxda Gunners-ka ee ahaa inuu xagaagan soo xero galin
doono xidigo magac leh, isaga oo horey looga bartay saxeexa da’yarta.
Kubad Sameeyaha Qaranka Jarmalka ee Mesut Ozil ayuu Wenger ka soo
bixiyey Aduun gaadhay 47 Milyan oo Gini, taas oo ah lacagtii ugu
badnayd ee uu Ciyaar yahan ka bixiyo mudo 17 sanadood ah oo uu
Gunnerska horjooge ka ahaa, xitaa isaga oo jabin doono Recordka Ciyaar
yahanka ugu mushahaarka badan kooxda, ka dib marka uu soo xaadiro
Todobaadkii 150 kun oo Gini.
Ozil ayaa maalmihii u daneebay ku fadhiyay kursiga keyda ee kooxda
Real Madrid isagoo sheegay inuu doonaayo inuu isaga tago kooxda ayaa
kooxda Arsenal oo ka faaideysaneyso fursadaan waxay wadahadal la
furtay kooxda Real iyo laacibka naftisa.
Gunners ayaa ka gaarsiiyay inta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda uusan
xidhmin iyagoo ku guuleystay.
Sidoo kale waxay Arsenal ku guuleysatay Saxeexa goolhayaha Talyaaniga
ee kooxda Palermo Emilaino Viviano heshiis amaah hal sanno ah.
Goolhayaha Talyaaniga ayaa maanta tijaabada caafimaadka u maray
Arsenal ka dib markii xalayto uu soo gaadhay London.
Waxa uu Palermo uga soo tagay heshiis hal sanno oo amaah ah, iyadoo
Arsenal ay diyaar u leedahay inay si joogta ah u iibsato ka dib marka
uu dhaco heshiiskiisa amaahda ah, markaasoo ay kula wareegi karto 5
milyan ginni.
Palermo ayaana hal milyan euro ku heshay heshiiska amaahda ee Vivaino
uu ugu biiray Gunners.
Waxa uu tartan la geli doonaa goolhayaha koowaad ee haatan ay Arsenal
heysato Szczesny.
Waa saxeexii Afaraad ee Arsenal xagaagan ay sameyso ka dib Sanogo,
Ozil iyo Flamini.