Qurbo-jooga Waaxda Gacan libaax ee Dagan Ingiriiska Oo Siilaanyo Ugu Baaqay in Dhulka Danta Guud ah ee New Hargaysa ee ay Wasiiradu Boobayaan Uu ka Soo Saaro Digreetadii Berbera Oo Kale.

0
146

 

Intayada qurba jooga ah ee degan dalkan ingiriiska ee ka soo jeeda waaxda gacan libaax ee magaalada hargeysa, todobaadkii ugu danbeeyeyba waxaa na soo gaadhayay qaylo dhaan ku saabsan dhulka danta guud ee bariga iyo waqooyiga ka xiga kaalinta shidaalka ee new hargeysa(ina galan).

Hadii aanu nahay qurba jooga ka soo jeeda waaxda gacan libaax ee magaalada hargeysa waxaanu layaa banahay in uu madaxweyne siilaanyo digreeto khaas ah ka soo saaray dhulka danta guud ah ee magaalada berbera iyo in dhulka aanu sheegayno ee gudoomiyaha rugta ganacsiga Maxamed Shukri Jaamac iyo gudoomiyaha Shirkada dhismaha ee daryeel Khayse uu wasiir ka tirsan xukuumada siilaanyo lacag ka qaatay oo uu ku yidhi idinkaa dhulkan iska leh isagoo ula jeeda kaalinta shidaalka ee new hargeysa (ina galan) iyo dhulka ka xiga bariga iyo waqooyiga.

Wax macnaha sameyn  mayso in aanu nidhaahno wasiirka waxaasi sameeyey waa wasiir hebel, xogta aanu hayno aanu warbaainta soo marino waxa se hadii aanu nahay qurba jooga waaxda gacan libaax ee ingiriiska degan macno noo sameynaya marka uu madaxweyne siilaanyo uu arintan wax ka qabto, oo  dhulka danta guud ee hargesa uu la mid noqdo dhulka danta guud ee berbera .

Warar xog ogaal ah oo aanu hayno waxay noo sheegayaan in meesha cagaf la galiyay oo la dumiyay dayrkii meesha jiin gadna lagu wareejiyey oo aan waxba laga qaban ,waxaanu madaxweyne siilaanyo iyo golihiisa wasiirada ugu baaqaynaa kana codsanaynaa in dhibaatadaasi halkaasi ay taagan tahay lagu joojiyo oo dhulkani magac hore ayuu lahaaye oo la yidhaahdo dan guud oo aan magac  kale loo bixin.

Wax yaabaha aanu ka wada hadalnay  intayada london iskugu timid waxaa ka mid ahayd in aanu xidhiidh la samayno qurba jooga ka soo jeeda waaxda gacan libaax ee magaalada hargeysa ee ku kala nool  qarada yurub inteeda kale maraykan,kanada iyo qaarada istareeliya oo aanu intayadaasi iska kaashano oo aanu iska soo ururino qaadhaankii ama lacagtii dhisme dan guud ah goobtaasi lagaga dhisi lahaa oo anfaca caruurtayada iyo umada somaliland oo dhan.

 

Waxaanu diyaar u nahay in aanu bixino kharashka ku baxaaya oo dhan hadii laga dhisaayo iskuulo,cusbitaal ama garoon kubada lagu ciyaaro oo ay dhalinyaradayadu kaga mashquulaan tahriibta anagu aanu og nahay dhibaatada ay liidahay inta badan marka uu magaaladan london noogu yimaado madaxweyne siilaanyo iyo wasiiradiisu waxay nagu yidhaahdaan anagu ma hayno dhaqaale aanu wax ku dhisano hadii se aad  idinku aad awoodi kartaan in dadweyanaha somaliland aad ku dhistaan dhismayaal dan guud ah anaguna waxaanu idiin haynaa dhulkii aad dhismayaashaasi ka fulin lahaydeen.

Maanta waxaanu leenahay madaxweyne siilaanyo iyo wasiiradiisaba fuliya malantii aad hore noogu qaadeen dhisme dan guud ah in dhulkan aanu ka hadlayno aanu ka dhisnana anaga diyaar u ah, waxa kale oo aanu cadeymo buuxa u haynaa in la doonaayo in la iibiyo meeshaasi aynu ka hadlayno, waxaana noo cadeeyey nin ka mid ah ragga wakiilada u ah maal qabeenada somaliland, ee ay xafiisyadoodu ku yaalaan london.

Wax yaabahan socoda oo dhami waxay muujinayaan sida aynu u baal marsanahay hanaanka dawladnimo ,anagu dalkan ingiriiska ee aanu joogno wasiir iska daaye prime minister-ka iyo boqorada midna dhul dan guud ah ma bixin karo ,somalilandna waxaa imika ka jirta inta nin ganacsade ah ama maal qabeen ah uu wasiir lacag ka qaato in uu ku yidhaahdo dadka meesha degana wax iskaga dhiib, shilimo dad la siiyayna laguma mulkiyo dhul dan guud ah.

waxaana haboon si loo ilaaliyo nidaamka iyo kala danbeyta in madaxweyne siilaanyo aanu arintan ku haleynin wasiirkiisa arimaha gudaha Cali Waran cade oo ah ninkii arintan markii uu xafiiska fadhiistayba sida deg dega ah u fuliyey iyadoo uu wasiirkii isaga ka horeeyey ee mr Duur uu is hortaagay in dhul dan guud ah uu ku mulki wareego lacag uu wasiir qaatay , markii aanu telefanka kula hadalnay Maxamed Shukri Jaamacna wuxuu noo sheegay in uu arintan markii  hore is hortaagay wasiirkii hore ee arimaha gudaha waxaana si deg deg ah iigu fuliyeybuu yidhi Ilahay ha daayee Abtigay Cali WARAN CADE waana ayaan daro marka ay isku milmaan Abtinimada iyo dantii guud ee umada ka dhaxaysa Cali WARAN CADENA waxaanu kula talinaynaa nin habari dhashay hal ma seegi waayee.

Waxaad dib  u saxdaa khaladkii  hore kaaga dhacay oo qarannimo ku shaqee Abtinimada iyo Adeernimada daaqada ka tuur.