Kaluun Magaca Ilaahay ku Xardhan yahay oo laga Helay Badwaynta Hindiya

0
49

UntitledKaluumaysato Badmaaxayaal ah oo u kala  dhashay dalal badan oo kala duwan ayaa iyaga oo maraya badweynta India waxa ay la kulmeen arin mucjiso ah oo awoodda ILAAHAY Subxaanahu watacaalaa muujinaysa kana turjumaysa.

Raggan oo kaluumeysato ahaa ayaa la kulmay kalluun magaca Allah oo waadix ah dusha kaga xardhanyahay, taasoo ku noqotay mucjiso iyo wax ay rumeysan waayeen.

Raggan ayaa markii danbe arintaan faafiyay ayagoo sawiro dhowr ah kasoo qaaday kaluunkaan, ugu danbeyna waxa ay sabab u noqotay in raggani soo hanuunaan oo rabbi dariiqa toosan haleelsiiyo.

Warbixintaan ayaana lagu daabacay wargeysyada carabta kuwooda ugu afka dheer oo aalaaba ka falooda arimaha mujcjisooyinka ah.