David Moyes oo Mar kala guuldaro kala kulmay Suuqa Ciyaar yahanada, ka dib markii laga soo diiday dalab u gudbiyey Kooxda Athletico Bilbao

0
97
guuldaro man united

W.Wararka: Waxaa Markala soo baxaya Warar sheegaya in Guuldaro kale ay
kooxda Manchester United kala kulantay Suuqa Ciyaar yahanada, ka dib
markii shalay kooxda reer Spain Athletico Bilbao ka soo diiday dalab
30 Milyan oo euro ay ku doonaysey Saxeexa Kubad sameeyaha reer Spain
ee Andre Herrera, sida uu Xaqiijiyay Madaxweyne Kooxda Jose Urrutia.
Kooxda Bilbao ayaa ku adkaysanaysa inaysan sina u fasaxeyn xidigeeda
Herrera iyadoo sabab uga dhigayso inaysan rabin inay waydo Kubad
qaabeeyaheeda, iyadoo horaantii xagaagan waydey Xidigaheedii Javi
Marinez oo Bayern Munich Boobtay & Gool dhaliyahoodii Fernanado
Liorente oo Horaantii Bishii hore ay kooxda difacanysa Horyaalka
Talyaaniga ku xoojisatay Weerarkeeda.
Si kastaba ha ahatee, madaxweynaha kooxda Bilbao ayaa sheegay inaysan
wadaxaajood ka geli doonin dalab ka yar 36 milyan euro oo ah lacagta
lagu burburin karo Heshiiska Laacibkaas ah,w axanuu yidhi
“Waxaan dalab rasmi ah u helnay Ander Herrera, dalabkaas xalay ayuu na
soo gaadhay, Inkastoo aan arintaan xaqiijin karno, hadana yoolkeena ma
ahan inaan lacag sameyno laakiin waa inaan ceshano ciyaartoydeena,
Cidii dooneysa inay jabiso qandaraaska waa inay soo bandhigaan ugu
yaraan lacag ku dhow 36 Milyan, Inkastoo aysan Muhim noo ahayn heerka
lacagta lagu burburin karo qandaraaska laacibkan, hadii ay taas dhaco,
islamarkaana ciyaaryahanka uu doonayo inuu baxo markaas ayaan ka wada
hadli doonaa, weli lama aanan hadlin ciyaaryahanka, waxaan sheegnay
inaanan la xaajoon doonin Manchester United.”
Tan iyo intii loo gacan Galiyey David Moyes Gacan ku haynta Kooxda Man
United, Waxaa isa soo tarayey guuldarooyinka uu kala kulmaya dhanka
Suuqa Ciyaar yahanada iyadoo wakhti yar laga joogo, markii Kooxdiisi
hore ay ku soo gacansaydhay Dalab 36 Milion oo ku doonayey xidigaha
Baines & Fellani, sidoo kalena ku guuldaraystay Dalabyadii Laacibiinta
De Rosi, Alcantara & cesc Febregas.