SONYO Oo Walaac Ka Muujisay Xanibaadda Bangiga Barcalays Uu Saaray Xisaabadkii Xawaaladaha Soomaalida, Baaqna U Dirtey BulshaddaIyo Maamulka Bangigaas

0
122

Hargeysa (Waaheen) – Dallada Dhallinyaradda Heer Qaran ee SONYO ayaa walaac wayn ka muujisay Xanibaadda Bangiga Ingiriiska ah ee Barcalays uu saaray Xisaabaadkii uga furnaa Xawaaladaha Soomaalida, kuwaas oo sheegay inay Somaliland iyo guud ahaan Soomaalidaba dhaxalsiinayso Masiibooyin binu-Aadan-nimo iyo dhaqaale burburba.

SONYO waxay baaq arintaas ku wajahan u direen Shacbiga Somaliland gudo iyo debadba, kuwaas oo ay u soo jeediyeen inay Sameeyaan Mudaharaado Salmi ah oo ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin go’aanka uu qaatey Bangigaasi.

Dallada SONYO ayaa sidoo kale fariin taas la mid ah waxa ay u direen Madaxda iyo Maamulka Barcalays oo ay ugu baaqeen inay ka fiirsadaan go’aanka ay ku xidhayaan Xisaabaadkii Baankooda uga furnaa Xawaaladaha Soomaalida, isla markaana ay ka noqdaan talaabadaas ay qaadeen. Waxaanay sidaas lagu sheegay Warsaxaafadeed kooban oo Dalladda SONYO shalay soo saartey, kaas oo uu ku saxeexnaa Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO Mubarak Ismail Taani, isla markaana Nuqul ka mid ah Wargeyska Haatuf ay soo gaadhsiiyeen, isaga oo dhamaystirana u dhignaa sidan:- “Dallada Dhallinyaradda Heer Qaran ee SONYO waxay ka warwarsan  tahay saameynta taban iyo culayska dhaqan dhaqaale ee ay keeni karto joojinta  xisaabaadka xawaaladaha Somaalida ee bangiyada caalamiga ah sida Bangiga Ingiriiska  ah Barcalays.

Xisaabaadka Xawaaladaha Soomaalida ee Bangiga Barcalays waxay keeni kartaa in ay  hoos u dhacaan taageerada dhaqaale ee dadka Qurbo-joogta ahi u fidiyaan eheladooda  reer Somaliland. Hoos-u-dhaca lacagaha qurbo-joogu soo xawilaan waxay sababaysaa in  uu hagaaso oo tamar darreeyo guud ahaan dhaqaalaha dalku, gaar ahaana dakhliga qoysas  tiro badan oo ku nool dalka Somaliland gudihiisa, iyadoo arrintaasina abuuraysa  masiibooyin dhaqaale oo khatar galiya nolosha dadyaw badan oo si joogto ah ugu tiirsan  eheladooda iyo xubnaha qoysaskooda ee ku sugan dalka dibadiisa.   Dallada Dhalinyarada SONYO iyadoo ka duuleysa muhiimada ay xawaaladuhu u  leeyihiin dhaqaalaha dalkeena iyo tirada badan ee dhallinyaro ah ee ku mashquulsan  shaqooyinka ay bixiyaan xawaaladuhu, ayaa ay ugu  baaqeysaa maamulka iyo  maareeyeyaasha Bangiga Barcalays inay ka fiirsadaan, dibna u eegaan go’aanka ay ku qorsheynayaan inay ku joojiyaan xisaabaadka ay xawaaladaha Soomaalidu ku leeyihiin

bangigooda.

Ugu dambeyntii, Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO waxay ugu baaqeysaa  guud ahaan shacbiga Somaliland gaar ahaana qurbo-joogga reer Somaliland inay si wayn isku abaabulaan si ay u  muujiyaan sida ay uga xun yihiin go’aanka xisaabaadkooda  xawaaladaha lagu joojinayo isla markaana ay culays ku saaraan BARCLAYS inay go’aankaas u arkaan mid keeni kara dhibaatooyin bani-aadanimo oo hor leh.

Dallada SONYO waxay u rajaynaysaa shacbiga Somaliland guul iyo barwaaqo,  waxaanay dhiiri-galinaysaa dedaalka iyo darbanaanta dadweynaha ee ku waajahan horumarka dalka iyo taabo-galka qaran ee Somaliland”.