Madaxweyne Siilaanyo oo la filayo in uu tago Xarriirad, talana ku biiriyo Shirka Nabadaynta ah ee socda

0
103

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa berri u jarmaadi doona gobolka siilaanyoAwdal gaar ahaana magaaladda Borama oo uu kaga qayb geli doono xaflad Qalin-jabin ah oo loo samaynayo Arday ka baxaysa Jaamacadda Camuud.

Lama oga Madaxweyne Siilaanyo mudada uu ku sugnaan doono magaaladda Borama, hase yeeshee waxa la filayaa in uu Ruuga u Aasan doono sidii uu wax uga qaban lahaa  olole siyaasadeed oo ka dhan ah Somaliland kaasoo kasoo yeedhay qaar ka mid ah qurbajooga oo shirar hoose ku qabtay Borama.

Sidoo kale, waxa la filayaa Madaxweyne Siilaanyo in uu mar kale u kuur gali doono wax ka qabashada dilalkii u dhaxeeyay labada beelood ee gobolkaas oo xalinteedii ka socoto degmadda Xarriirad oo ay ku jiraan Guurti iyo odayaal labada dhinac ka socda.

Hase yeeshee marka laga yimaado labada arrimoodba waxa uu Madaxweyne Siilaanyo si toos ah uga qayb gali doonaa Xafladda Ardayda Jaamacadda Camuud oo sanadkasta uu ka qayb galo, iyadooa sanadkan ay ka qalin jabinayaan Arday wax ka bartay kuliyadaha kala duwan.

Warar dheeraad ah oo soo baxayay saacadihii danbe ayaa sheegaya in ay ay suurtogal tahay Madaxweyne Siilaanyo in uu u dhaafo Xarriirad isla markaana uu talo ku biiriyo shirka Nabadaynta ah ee uga socda labada Beelood, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Xildhibaanada Guurtidda ah oo uu u diray.