Dhaawaca Lionel Messi oo Su’aal ka taagan tahay & Cabsida laga qabo oo sii kordhaysa, iyadoo Barca lagu yaqaano inay ka jajaban tahay Messi la’aantiis.

0
84

messiW.Wararka: Xidiga Kubad Cagta Aduunka & Kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa wali la dalaa dhacaya dhaawacii ka soo gaadhay kulankii kuwaad ee Super Cup-ka dalka Spain ay isaga hor yimadeen kooxda Atletico Madrid, waxaanay su’aal ka taagan tahay safashadiisa kulanka lugta dambe? Barca oo Lionel Messi la’aanteed lagu yaqaano inay ka jajaban tahay.

Laacibkan reer Argentine ayaa sidoo kale seegay kulankii shalay ay La Rosaleda stadium kula yeesheen naadiga Malaga, kulankaas oo Barcelona ku rafaaday, iyadoo aakhirkii Gool dirqi ah uga badshey Naadiga Malaga.

Laacibkan ayaa dhaawaciisu sidaa u sii wayneen, balse waxaa la sadaalinayaa inuu ilaa Wiig dambe ka maqnaan doono Garoomada, iyadoo oo aanay jirin warar ka soo baxaya Naadiga Barcelona oo si dhab ah uga hadlaya dhaawaca ciyaartoyga.

Laacibkan afrtii sano ee ugu dambeysey ku guuleystay Xidiga K/cagta Aduunka ayaa u sheegay shalay Jariirada Marca ee ka soo baxda dalka Spain, isaga oo ka jawaabaya suaal ahayd sababta ka maqnaysiisay kulankii kooxdiisu ka hortagtay Malaga, waxa uu yidhi “Waan jeclaan lahaa inaan ciyaaro kulanka Malaga, balse waxaan doonayaa inaan 100% caafimaad u qabo si aan u ciyaaro isla markaana kooxda u caawiyo”

Lionel Messi ayaa iminka indhaha ku haya lugta labaad ee koobka Super Cup ay Nou Camp kula ciyaari doonaan arbacada kooxda Atletico Madrid intaa kaddibna uu muraadkiisu yahay inuu ku biiro xulka Aregentina ee ku ciyaaraya Uruguay.

Inkastoo ay jiraan warar mar dambe soo baxay oo sheegaya in Xiddiga reer Argentina uu shalayto ku sugnaa Esportiva Joan Gamper oo ah Xaruunta Tababarka kooxda Barcelobna inkastoo aanuu si raxmi ah dib ugu soo laaban tababarka buuxa ee kooxda.