Thailand oo Soo Saartay Hab Cusub oo Qishka Imtixaanada Lagaga Hortagayo

0
101

untitledWarbixinno soo baxay ayaa sheegay in mid ka mida Jaamacadaha Dalka Thailand ay Boggeeda Facebook-ga ka saartay Sawir ay ka muuqdaan Arday u fadhisa Imtixaan oo Madaxyada ku sita Koofiyado lagu sheegay inay yihiin kuwo ka hortagaya inuu Ardayga Imtixaanka fadhiyaa Qish sameeyo.

Hey’adda Maamulka Ardayda ee Jaamacadda Kasitsarat ayaa faafisay Sawirka Boqol Arday Oo Kuliyadda Warshadaha iyo Beeraha dhigta oo Koofiyado Darafyada Waraaqo loogaga xidhay sita. Wargeyska Bangkok Post ayaa sheegay in Golaha Maamulka Ardaydu uu mar dambe joojiyay Sawirkii la faafinayay, sababo la xidhiidha Mowjado Hadalo Xun xun oo ka dhashay arrintaas.

Goluhu wuxuu xusay in Koofiyadahaan Qishka ka hortagaya ay lagama maarmaan ahaayeen marka la eego Qolka Imtixaanaadka oo aad u yar, taas oo keensatay inay Ardaydu aad isugu dhawaadaan. Kasiyaan Tijbira oo ah Macalin ka ah Jaamacadda Tamasat ayaa Facebook-ga ku qoray in adeegsiga Koofiyadahaan ay Fashil tahay xitaa hadii dhamaan inta Qolka ku jirta ay Imtixaanka is dhaafsanayaan.