Mourniho oo Sidiisii afka Furtay, muxuuse ka yidhi Bayern Munich & Manchester United?

0
65

Mourinho 33W.Wararka: Macalinka Kooxda Chelsea ee Jose Mourinho ayaa waraysi aad u xiiso badan oo uu siiyey Tv-ga gaarka u ah kooxda kaga hadlay arimo ay ka mid yihiin, kulanka kooxdiisa ka hor iman doonta kooxda Bayern Munich habeenka jimcaha ee Koobka Uefa Super Cup iyo damaciisa ciyaar yahanka Qaranka Ingiriiska ee Wayne Rooney, taasi oo ah mid ka mid ah dabeecada lagu yaqaano Macalinka madaxiisu soo cadaanayo ee uu ku daandaansado kooxaha kulamada uu la yeelanayo ka hor.

Kooxda Chelsea oo xili ciyaareedka hore ku guuleystay koobka Europe league ayaa ka hor iman doonta kooxda Bayer Munich oo iyana ku guuleysatay koobka Champions League, waxaanay ku tartami doonaan koob dhaqan ahaan sanad walba loo dhigo kooxaha ku kala guuleysta labadaa koob ee ay qabtaan Xidhiidhka Kubada Cagta ee Qaarada Yurub ee UEFA.

Waxaanay u noqon doontaa macalinkan Boortaqiiska ah markii u horeysay ee ay iska hor yimadaan pep Guardiola iyaga oo laba koxood oo aan ahayn kuwii marya dhiiga leh ay ku kala furan jireen, wakhtigii ay ku sugnaayeen labadooduba kooxaha sida wayn ugu tartama Kubada cagta Spanishka ee Barcelona & Real Madird, Mourinho ayaa waraysigiisaa ku duray Pep Guardiola si dadban isaga oo iswaydiiyey inuu Pep yahay mid Bayern Gaadhsiin kara halkii uu gaadhsiiyey Jupp Heynckes, waxanuu yidhi

“Kooxdii Heynckes ayay aheyd kooxdii ugu fiicanayd Yurub, balse haatan waxa ay heystaan ciyaaryahano cusub iyo tababare cusub, mana hubo hadii ay weli sidii u fiican yihiin.”

Sidoo kale waxa uu waraysigiisa ku sheegay inaysan aysan kooxda United ka walwalin inay ka iibiyaan Wayne Rooney, isaga oo sidoo kale ka shanqadhiyey inuusan jirin wadahadal ay ka galeen mustaqbalka Ciyaar yahanka Qaranka Spain ee Juan Mata.

Chelsea ayaa laga soo diiday labo dalab oo ay ka gudbiyeen Rooney, iyadoo kooxda heysata horyaalka Ingariiska ay ku adkeysaneyso inaysan ciyaaryahanka ka iibin doonin koox ay xafiiltamaan oo ka ciyaarta England. waxanuu ka shanqadiyey Macalinkani in mar sadexaad ay dalab uga gudbin doonaan Rooney mar hadii uu ka warqabo go’aanka United ee ah in la fasaxi doono, waxanuu yidhi “Waxaan sameyney doonaa dalab kale, waxaanay odhan doonaan maya mar kale. Maxaa naga lumaya? Hal email, labada jawaab aan ka helnay Man United waxa ay aheyd ma aanan aqbalin dalabkiina, ma xiiseyneyno inaan ciyaaryahanka iibino, taasna waa xiriirka rasmi ah ee aan la yeelanay Man United”.