Kooxda Chelsea oo dhamaystirtay Heshiiska CIyaar yahankii ay ka afduubteen Tottenham ee Willian

0
138

Willian22W.Wararka: Kooxda Kubadda Cagta Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay la wareegtay Kubbad qaabeeyihii kooxda Shakhtar Donetsk ee waddanka Ukraine Willian.

Xaruunta Caafimaadka ee Kooxda Chelsea ayuu Willian ku maray tijaabada caafimaad, waxaanay taasi soo gabagabeysay Heshiiska uu ciyaar yahankani uga mid noqonayey kooxda Blues, oo ay kula wareegtay 32.5 Milyan oo Gini, waxaana Willian loo xidhay lambarka  21-aad ee kooxda Blues.

Waxaana dad badan wali maskaxdooda ka sii guuxaysa qaabka aya laacibkan heshiiskiisa kaga guuleysatay saacadihii ugu dambeeyey markii uu London u yimid si uu ugu biro kooxda Tottenham oo iyadu u ekayd mid dhameysay heshiiska laacibkan oo tijaabadeeda caafimaadna isu diyaarinaysay isla markaana isku afgarteen in ay kula wareegto 30 Milyan oo Gini.