Yaan la isxamane Runta Ha La Isku Sheego.

0
32

66Sida xukuumadda iyo culimada jabuuti yeeleen, Somaliland ha ku dayato oo bulshda ha loo sheego in oromada lacagta laga joojiyo oo la siiyo uun raashin si ay wadankoodii ugu laabtaan.

Ciidamada wadanka ilaaliya ee naftoodii iyo tii qoyskooda ba u huray dawlad xun iyo shcib foorara oo labaduba istaahilin in sidaa loo yeelo. Ciidamadu 490.000sl.shs , ayey qaataan iyo waxoogaa raashina, waynu wada garanaynaa lacagtaasi waxay goyso. Maamulku waxa uu ilaabay daryeelkii bulshda uu masuulka ka ahaa inta ilaahay ka sokaysa.Maamulku Shaqadooda ugu wayni waa inay la socdaan wararka iyo qoraalada siyaasadeed ee bulshda iyo maamulka taabanaya si ay islamarkiiiba uga jawaaabaan.

Tobankii milyan ee doolar ee lagu dhisayey madaarada hargeisa iyo berbera, alla mashruuca lacagta intaa leegi ku baxaysay sangadhyaraayee, yaase xisaabinaya amiirka duulista iyo hawada ileen digreeto yuu haystaaye, ranwaygu tallow mudo lixbilooda muu sarfayfi haday diyaaradaha waawayni ku soo dagaan. Bal u fiirsada danyarta waayeelka ah ee wadhatada , kuwan oo iibinaya waxyar oo 20.000 sl. shs. Waxa dhib culus ku haya oromo aan daaleen , xishoonayn, yaxyaxeen oo xitaa ardayda nususaacahoodiiyay meel walba u fadhiisteen.

Wasiirka daakhiligu ee raba inuu isku dhufto danyarta Somaliland iyo dawladaha hoose waxa ka qabto ,Soo geleetiga ka yimid wadanka horumaray , deetana xashiishka iyo ciida wax ka qabo. kadib haloo dhiso danyarta meel ay ku ganacsadaan oo ha loo raro .
Ganacsatda bakhaarada ee maalin walba 10.000 ilaa 30.000 sl.shs u qaybiya oromada boobka wada. Maxaa lacagtaa ay u siin wayeen danyarta Somaliland ooy ka midyihiin ciidamadu. Bulshayay kibir, faan, qabyalad ,hubsiimada laheyniyo shisheeyaha jecel ma ogtihiin in baalashlaha iyo oromada idin boobtaa ay maalinwalba helaan 30.000 ilaa 150,000 sl.shs , halka ciidamadeenu helaan maalintii 16,333 { lix iyo tobankun iyo sadex iyo sadex iyo sodon shilin} subxaanalaah. Madawayne shir jaraaid qabo oo waxqbadkaagii ka daba gee oromada iyo dhakhaatiirta Somaliland ku soo qulqulaya ee ragga sidaada aan naxayn ku shaqaystaan baadhashada shicibka.

Gabagabadii dadka reer somaliland waa dad iyagu aan is indho buuxin , haseyeeshee u wanaagsan ajaanibka ama shisheyaha waxaynu tusaale u soo qaadanaynaa murtdidan u tiriyay
Xaaji Aadan Axmed ood moodo inu maanta ka hadlaayey “ dadka kale ninkiisii waxtara waa tixgeliyaan , idinkuna caqliga taabuudka ah waa ku tymataane, tartarbaa ka dhaaftaan ninkii toos idiin wada , taako iyo mayl kala fogbaa mid u taqanaiine”.

By : c.laahi maxamed cabdi
Hargeisa , Somaliland.
E-mail:cabdi405@hotmail..com