Wax ka qabso mooyee , wadaniyad ma taalo somaliland.

0
133

Maqaal

66Waxaad u timid xukuumad iyo shicib ay aad muwaadinimadu ugu yartahay, kolkad aragto waxay labaduba ku dhaqmaana aad odhanayso umadani waa socoto ( Transit} oo geeeloodiibaa cirka lagu maalayaa.
Bulshadani saddex iyo toban sanadood ee u dambeeyay oo wadanku daganaa , may helin manay arag madax { maamul, madaxdhaqameed iyo culimo } ku dayasho mudan oo muwaadinimo ka muuqato, may helin cid wacyigalisa. Waxay arkayeen uun tiiyoo mid waliba hungurigiisa oo kaliya u cararayo wadankana la boobaayo. Xukuumadda , dayrarka quruxda leh dhistay, wasaaradaha iyo haya’adaha ku hoos jira ku arkimaysid wax maamul u eeg ooy umadi hiigsato waxaaanad arki xafiisyo madhan oo dad yar oo dilaaliini taagtaaganyihiin { masuulkii waxay ku maqanyihiin guulwadeyn madaxtooyada , xaflado ama danahooda shakhsiyeed}.
Maxkamada gobolka hadii ilkahaaga { Your own Teeth } lagugu qabsado ma helaysid cid idinkala saarta , cid aad u ashaktoodo ma jiraan.qofwalba xafiisku joogo saga ayaa kaadidiisa u soo cabay. Bulshadu waa dad hayina oo biyo ma daadshaana, waxba ma diidaan oo suuqa iyo guryaha ayuunbay ka calaacalaan.
Waxaan hadalkaygii ku soo gunaanadayaa in Somaliland laga leexshay wadadii dawladnimo oo ay ka midyihiin cadaaladaro, musuq , isxisaabinla’aan, Eex, qabyaallad, cadudhin , xaquuqdi dadka oo lagu tunto , geedi socodkii dimuquraadiyada oo la gafay iwm. Markaad aragto madaxweynihii oo digreeto ku bixinaya dariiq , gurihii danta guud iyo isagoo amraya in qayb danta guud ka mid shakhsi la hoos geeyo.
Hadiiba somaliland wadaniyada wax walba laga hormarinwaayo sida muqdisho yeynu xaarka cuni doonaa.

Wabilaahi tawfiiq
By: c.laahi mxamed cabdi
Hargeisa , Somaliland
E-mail: ccabdi405@gmail.com