TOLLAAY REER HEBELOW TALADU MAANTA MA JOOGTO‏

0
20

TOLLAAY REER HEBELOW TALADU MAANTA MA JOOGTO IYO MAQAALKII BOOBE

Boobe Yuusuf Ducaale iyo qaylo dhantii ku saabsanayd reeraha hugmaaya iyo halka ay maanta innala marayso qabyaaladdi ayaan ku mirkacay maqaalkan aan ku taageerayo aragtida fayaw ee loo baahan yahay in laysku hanbalyeeyo. Waxa aad ii taabtay qoraagu markii uu xusay asaga oo suugaan ka soo qaatay Abwaankii Cabdilaahi Suldaan (Timacadde), Shahiid , Axmed Daahir Cabdi oo saaxiib iyo macallimiin aannu wada ahayn iyo macallinkaygii Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Waxa ayaan darro ah in maanta reer reer loo kala shiro ayada oo aad mooddo in laysku dayanayo. Boqolaal qof oo daafaha adduunka kala jooga, qorraxdu mar u soo wada bixin, nololmaalmeedkuna ka dhaxayn inta ay shir beeleed qabsanayaan waxa ka fiican boqol qof oo isku xaafad ah, kala reer ah, isku dan ah oo ka shira sidii xashiiska laysaga guri lahaa, ceel, dugsi amma cusbataal loo samaysan lahaa. In kasta oo shir beeleeka looga jeedo danta reerka, waxa ay shirarka beelahu abuurayaan in la kala qaloodo , sirta la kala qarsado oo aamin darro timaaddo, dantii guud iyo dawladna lagu bedelo reero wada yaal oo reer kasta hoggaan beeleedkoodu u madax yahay. Haddii ay fududaato in qabiil kastaa shir beeleed sameeyo wanaag ku dhisan, waxa iman karta mar xumaha loo shiro. Asaga oo Boobe abwaaniin badan tusaalayaal ka soo qaaday suugaantoodii, bal dhawr gabay oo aan tiriyey tuducyo qabiilka ku saabsan aan ka soo qaato.

DIGRII: 1991

Ninka dawlad aasaasayee raba dariiqeeda

Mabda’ laysku doortaa jiroo laga dambeeyaaye

Derejada waxaa hela ninkii shicibku doortaaye

Nin qabiil duduucayo baa daafta kaa koriye

Habar waliba kay soo dirtay diric ku sheegtaaye

Hebel noogu dara doorkayaga dooddu way odhanne

Danjiraha intay wada rabaan malaha daabaane

Dawo malaha taan ogey intay qolo dudaysaaye

GABBALDAYE: 1991

Gar la sheego gaagaabsi qolo geedka laga baano

Garoon lagu faqaayiyo xigaal garab is moodaaya

Oo kala go’aayoo hadana gees u diriraaya

Ummad garashadeedii luntoo gaabis talinaayo

Oday guruca taagiyo qabiil gadayo maankooda

Waxa goosan lagu doonayee gebi innoo diiday

Gunnadaa la kala boobayee laysu garan waayey

Ee loo galaayuusayaan garan aqoon waayey

XAAL: 1999

Adduunyada xuduuddaa ku yaal xeerka qarameede

Xaydaanka qolo ruuxa gala maba xisaabshaane

Xigto waa kuwaad wada degtaan xaafaddaad tahaye

QUFULKII WAKHTIGA: 2010

Qorraxdii dhacdaba noloshu waa qaabad gooniya e

Qufulkii wakhtigu kugu xidhaa qoobka kuu sudhane

Nin qabyaalad maamuusayoo qolo u heesaaya

Nimankaa qalwada loo goglee qaadhka lagu haysto

Adduunyada horaa loo qubee waa qarsanayaane

Qoomiyaddu waa wada jirkoo lays qadariyaaye

Marka laysu wada qayshadaa qaro la yeeshaaye

Isma qaban karaan dawladnimo qoliyo reer reer e

Ninkii qaban karaayaa hor kaca qoom iskaashada e

Hadday kala qalootoo dan guud laysla qaban waayo

Qolo waliba kay dooratiyo Quulle daba luuddo

Waa quraarad kala daadatiyo qurub yadeediiye

Qarannimo markii lagu fikiray quuste odayaale

Qudhunkiinna huursada illayn kama qashaaftaane

SHIR BEELEED: 2013

Nin cumaamad weyniyo halkaa caaqil lagu sooray

Cabaad dheerahii reen ka baxay cuurka shirinaayey

Ciroolaha qabiilada hor kacay coomir lagu xoomay

Waxa ciiro loo kicinayaa madasha ceeryoontay

Cadka geela laysugu jarjaray cobosha hoosteeda

Cagaa loo subkanayaa inay cudud ku faantaaye

Col ma geline waa kibir waxaa cawda loo wadhaye

CAR CAR CAR hays dilina caynkaa waddaan caawa waa halise!!!!!!!

Kayd Maxamed Cabdalla

kayddd@gmail.com