Maxkamadd Xayirtay Kaalin ku taala Burco oo sharci darro lagu dhisanayay

0
34

indexBurco(Waaheen) Isu-duwaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Gobolka Togdheer Xasan Qawdhan Warsame ayaa Wariyaha Waaheen ee Gobolka Togdheer u cadeeyay in la soo gaadhsiiyay Amar Xayiraad ah oo ka soo baxay Maxakamadda Hargeysa, kaasoo lagu xayiray Kaalin ku taala magaaladda Burco.

Kaalinta la xayiray ayaa ka mid ahayd Laba Kaalmood oo dhawaan la baahiyay in sharci daro lagu dhisanayo isla markaana ay ahaayeen Kaalmo Dawladdu leedahay, waxaanay Wasaaradda Hawlaha Guud hore u soo saartay Amar lagu joojiyay.

Isuduwaha Wasaaradda Hawlaha Guud waxa uu sheegay Amarka Xayiraada ah ee soo gaadhay in uu khuseeyo Kaalinta Baar Siigo dhismaheedii hore, isagoo ku daray in Guddi dhawaan magaaladda Burco u tagayso wax ka qabashada hantida dawladda ee leh Dhul iyo dhismayaalba kuwaas oo la boobayo.